Madaxweynaha Soomaaliya oo dhambaalo hambalyo ah ka helay madaxda dunida

0
Thursday July 02, 2015 - 21:17:06 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1155
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Soomaaliya oo dhambaalo hambalyo ah ka helay madaxda dunida

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

. Muqdisho, 2 July 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaallo hambalyo ah oo ku aaddan xuska 55 guurada ka soo wareegtey xornimada dalka ka heley qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha caalamka.
Dhambaalladaasi ayaa kuwii ugu dambeeyay waxaa uu Madaxweynaha ka heley Madaxweynaha Jamhuriyadda Djibouti,


Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo dhambaalkiisa ku xusey sida uu ugi faraxsan yahay munaasabbadan qiimaha leh ee shacabka Soomaaliyeed uu dabbaaldegayaan.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa isna dhambaal uu u soo direy Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 1-da Luulyo, isagoo dhanka kalena ku ammaaney Madaxweynaha iyo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya tallaabooyinka horumarka leh ee ay qaadeen ee ku saabsan dib u heshiisiinta qaran, dhismaha hay’adaha dowliga iyo amniga.

Madaxda kale ee dhambaalada u soo direy Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha dalka Ethiopia Dr Mulatu Teshome, Madaxweynaha Jarmalka, Joachim Gauck iyo Suldaanka dalka Cumaan Suldaan Qaabuus Bin Saciid.
Madaxdan ayaa shacabka Soomaaliyeed u rajeeyay sannad-guurad wacan, barwaaqo iyo nabad, iyagoo dhanka kalena muujiyey sida ay uga go’an tahay soo xoojinta xiriirka iskaashi iyo saaxiibtinimo ee dalalkooda kala dhexeeya Soomaaliya.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip