Generaal Odowaa oo sheegay in Howlgal lagu dilay Horjogayaasha Jabhada iyo Amniyaadka Al-shabaab

0
Saturday February 20, 2021 - 17:53:18 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1072
  • (Rating 1.9/5 Stars) Total Votes: 8
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Generaal Odowaa oo sheegay in Howlgal lagu dilay Horjogayaasha Jabhada iyo Amniyaadka Al-shabaab

    Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanada Mushaani Daniga Majabta oo la sheegay in ay ku dhuumaaleysanayaan Maleyshiyada Al-shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanada Mushaani Daniga Majabta oo la sheegay in ay ku dhuumaaleysanayaan Maleyshiyada Al-shabaab.

Saldhigyadii nabadiidka Al-shabaab ay ku lahayeen Mushaani Daniga Majabta oo u dhexeeya degaanka janaale iyo degmada qoryooleey ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa lagu bur buriyay Howlgalka qorsheeysan

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay Idaacada Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay Horjoogihii Amniyaadka Al-shabaab ee gobolka Shabellada Hoose iyo Horjoogihii Jabhada nabadiidka Al-shabaab waxaana lala dilay in ka badan 50 Maleyshiyaad ah oo la socday Horjogayaasha la dilay

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa yuusuf raage ayaa Magacayada horjogayaasha la dilay ku kala sheegay Macalin Buqaari oo ahaa horjoogihii jabhada Al-Shabaab ee gobolka Shabellaha Hoose iyo Sheikh Xasan ganeey oo Al-shabaab u qaabilsanaa horjoogihii Amniyaadka gobolka Shabellaha Hoose.

Ugu dambeyntii Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/guudto Odowaa yuusuf raage waxa uu sheegay in howlgalka lagu bur buriyay Saldhigyadii Nabadiidka Al-shabaab ay ku lahayeen degaanada Mushaani Daniga Majabta ee gobolka Shabellaha Hoose.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip