Deg Deg Kumaandooska Danab oo gacanta ku dhigay gaari Hoomey Qaraxyo lagu diyaariyey''Sawirro''

0
Saturday February 13, 2021 - 21:55:35 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 2020
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deg Deg Kumaandooska Danab oo gacanta ku dhigay gaari Hoomey Qaraxyo lagu diyaariyey''Sawirro''

    Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay gaari Hoomey ah oo nabadiidka Al-shabaab ay ku diyaariyeen walaxaha qaraxa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay gaari Hoomey ah oo nabadiidka Al-shabaab ay ku diyaariyeen walaxaha qaraxa.

Howlgalkaan lagu soo qabtay gaariga hoomeyga ah ee lagu diyaariye walaxaha qaraxa ayaa laga fuliye tuulada Cad Cadeey ee Degmada Afgooye gobolka Shabellaha Hoose

Gaarigaan Hoomeyga ah ayaa in mudo ay lagu diyaarinayay walaxa qaraxa waxaana la sheegay in Nabadiidka Al-shabaab rabeen in ay ku weeraraan Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalooyinka Muqdisho iyo labada Shabelle.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Kumaandooska Danab oo la hadlay Idaacada Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay gaariga ciidamada ay howlgalka ku qabteen uu ahaa gaari Hoomey ah Isla Markaana lagu diyaariye walxaha qaraxa.

Saraakiisha Danab waxa ay sidoo kale sheegeen in gaariga Hoomeyga ah ee lagu diyaariye walaxa qarxa Al-Shabaab doonayeen in ay ku gumaadaan shacabka ku dhaqan gobolada Banaadir iyo labada shabelle.

Ugu dambeyntii Saraakiisha Danab waxa ay sheegeen in Xogta gaariga qaraxyada lagu diyaariye ay soo gudbiyeen shacabka ku dhaqan Tuulada Cad Cadeey ee degmada Afgooye

 

 






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip