Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Oo Gobolka Shabeelaha hoose ku gubay Gaari Waxyaabaha Qarxa ay ku Diyaarinayeen Al-shabaab.

0
Friday January 08, 2021 - 14:56:25 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 1221
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Oo Gobolka Shabeelaha hoose ku gubay Gaari Waxyaabaha Qarxa ay ku Diyaarinayeen Al-shabaab.

    Howlgalkani oo ahaa mid qorsheeysan ayay ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska xoogga dalka soomaaliyeed kasameeyeen degaan 18 km ujira degaanka toora tooroow ee gobolka shabeelaha hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Howlgalkani oo ahaa mid qorsheeysan ayay ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska xoogga dalka soomaaliyeed kasameeyeen degaan 18 km ujira degaanka toora tooroow ee gobolka shabeelaha hoose.

Howlgalka ayay kumaandooska ku bur-buriyeen gaari waxyaabaha qarxa ay ku diyaarinayeen maleeshiyaadka argagixisada al-shabaab kaasi oo ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka soomaaliyeed balse ciidanka kumaandooska xoogga dalka ayaa ka badbaadiyay shacabka dhagarta argagixisada lamacsanaayeen.

Sidookale ciidanka special-ka ee kumaandooska xoogga dalka danab ayaa nolosha ku qabtay sadax maleeshiyaad ah oo gaariga qaraxa ku diyaarinayay sida uu Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska xoogga dalka ee danab Gaashaanle Axmed Cabdulaahi Nuur Beeryare.

Taliyaha ayaa tilmaamay in ujeedka howlgalka qorsheeysan uu ahaa kadib markii ay kawarheleen in maleeshiyaadka al-shabaab ay gaari ku diyaarinayaan waxyaabaha qarxa kaasi oo ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka soomaaliyeed ee aan waxba galabsan hasayeeshee G/le beeryare ayaa xusay in ciidanka xoogga dalka ay u diyaarsanyihiin inay naftooda u huraan dadkooda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip