Tababar loosoo Xeray Ciidan loo Carbiyey Habka Salaan siinta Madaxda JFS

0
Sunday November 22, 2020 - 19:45:11 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 398
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tababar loosoo Xeray Ciidan loo Carbiyey Habka Salaan siinta Madaxda JFS

    Koox ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan Qeybta 12-ka April, waxaa loo Carbiyey Habka salaan siinta Madaxda JFS, Gaardiska, Calan saarka iyo sharuucda kale ee XDS.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Koox ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan Qeybta 12-ka April, waxaa loo Carbiyey Habka salaan siinta Madaxda JFS, Gaardiska, Calan saarka iyo sharuucda kale ee XDS.

Maanta ayaa loo soo gabo gabooyey tababar socday muddo labo bilood ah, waxaana bixinayey tababarka Macalimiin qaburo dhanka tababarka ciidanka ah, iyaddoo xeritaanka tababarkaan ay goob joog ahaayeen Taliyaha Qeybta 12-ka April Sarreeye guuto Tawane Axmed Maxamed, Madaxa Amniga Wasaaradda gaashaandhigga Sarreeye guuto C.llahi Maxamed Axmed Qaanso, Madaxa hoggaanka tababarada iyo wacyi gelinta G/sare Axmed Ciise Axmed iyo saraakiil kale.

Askarta tababarka loo soo xiray ayaa soo bandhigay qeyb kamid ah waxyaabihii ay barteen intii ay koorsada u socotay, waxaana muuqatay in juhdi iyo dadaal xooggan lagu bixiyey kor u qaadista aqoonta iyo Xirfadooda ciidannimmo.

Taliyaha Qeybta 12-ka April Sarreeye guuto Tawane Axmed Maxamed oo halkaan ka hadlay ayaa ka warbixiyey qorshaha qeybtaan u degsan ee ku saabsan sare u qaadista aqoonta & Tababarka Ciidanka qeybta 12 april.

Madaxa Amniga Wasaaradda gaashaandhigga Sarreeye guuto C.llahi Maxamed Axmed Qaanso ayaa ku ammaanay ciidanka sida ay uga faa’iideysteen tababarka la siiyey, isaggoo u  sharaxay muhiimada uu u leeyahay.

Madaxa Hoggaanka Tababarada iyo Wacyi-gelinta Ciidanka Xoogga G/sare Axmed Ciise Axmed oo tababarkaan soo xiray ayaa ka hadlay muhiimada uu leeyahay tababarka, waxaana uu xusay in mar walbo la joogteyn doono tabararada noocaan oo kale ah.

Taliska Ciidanka Xoogga dalka ayaa wada tababaro kala duwan oo la siinayo Askarta, taasi oo looga dan leeyahay in aas-aaska hoose laga dhiso ciidanka, si loo soo celiyo awooddii aan laheyn burburkii ka hor.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip