Ciidanka Xoogga Dalka Oo Gacanta Kudhigay Dad Loo Heysto Dilka Qooys Lagu Laayay Degmada Warshiikh

0
Wednesday November 18, 2020 - 00:40:18 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 475
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Xoogga Dalka Oo Gacanta Kudhigay Dad Loo Heysto Dilka Qooys Lagu Laayay Degmada Warshiikh

    Ciidamo ka tirsan qeybta 27-aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howl-gal ka sameeyay degaanno hoostaga degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyagoo oo baadi goobayay dadkii ka dambeeyay dil Hooyo & lanba Carruur ah oo ay dhashay, loog

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo ka tirsan qeybta 27-aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howl-gal ka sameeyay degaanno hoostaga degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyagoo oo baadi goobayay dadkii ka dambeeyay dil Hooyo & lanba Carruur ah oo ay dhashay, loogu geystay duleedka degmadaasi.

Howl-galkaan ayaa waxaa horkacayay guddoomiyaha gobolka shabeellaha dhexe Axmed Meyre Makaraan, Taliyaha ciidamada ilaalada xeebaha ee maamulka Hir-Shabeelle Ismaaciil Xaadoole, Saraakiil ka tirsan qeybta 27-aad iyo Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Warsheekh,

Ciidamada ayaa  waxaa ay gacanta ku dhigeen 5 Ruux oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dilkii foosha xumaa oo xilli habeen ah degaanka xaluule loogu geystay Hooyo umul aheyd iyo laba Carruur ah oo ay dhashay.

Guddoomiyaha Gobalka Shabeellaha Dhexe Axmed Mayre Makaraan ayaa balan ku qaaday in qof walbo oo falkaan ku lug lahaa sharciga lala tiigsan doono.

Degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa bishaan gudaheeda waxaa ka dhacay dilal foolxun oo la xiriira aanooyin qabiil oo Sanadihii la soo dhaafay ka taagan degaannada hoostaga degmooyinka Warsheekh iyo Cadale, waxaana maamulka gobolka shabeellaha dhexe ay sheegeen in ay wax ka qaban doonaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip