Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Oo Howlgal Qorsheeysan Kudilay Horjooge iyo Maleeshiyaad Katirsan Al-shabaab,

0
Sunday November 15, 2020 - 18:49:53 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 487
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Oo Howlgal Qorsheeysan Kudilay Horjooge iyo Maleeshiyaad Katirsan Al-shabaab,

    Howlgalkani ciidanka kumaandooska xoogga dalka ay kasameeyeen degaanka gamboole ee gobolka shabeelada dhexe halkaasi oo ay maleeshiyaad katirsan argagixisada al-shabaab ku dhuumaaleeysanayeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Howlgalkani ciidanka kumaandooska xoogga dalka ay kasameeyeen degaanka gamboole ee gobolka shabeelada dhexe halkaasi oo ay maleeshiyaad katirsan argagixisada al-shabaab ku dhuumaaleeysanayeen.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheeysan ayaa waxaa fuliyay kumaandooska xoogga dalka ee danab ujeedkiisuna wuxuu ahaa baacsiga horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka argagixisada al-shabaab ee caadeeystay baada iyo dhibaateeynta shacabka soomaaliyeed.

Ciidanka kumaandooska ayaa kuguuleeystay qaarijinta horjoogihii al-shabaab uqaabilsanaa waxa ay ugu yeeraan maktabka dacwada shabeelada dhexe kaasi oo lagu magacaabo Shiikh Maxamed Suleeymaan (Gacmeey) sidookale ciidanka ayaa halkaasi ku dilay sadax maleeshiyaad ah oo lajoogay horjoogaha sida uu kusoo waramayo Wariyaha Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida Cabdiwaaxid Axmed Geedi oo qeyb ka ah howlgalka.

Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ayaa inta badan beegsada horjoogayaasha al-shabaab siloo afjaro dhagarta ay umaleegaan Ummadda Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip