Ciidanka xoogga dalka Somalia howgal ku qaarijiyay madaxii jabhada al shabaab ee gobolka Jubbada hoose

0
Tuesday November 10, 2020 - 16:13:44 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 515
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka xoogga dalka Somalia howgal ku qaarijiyay madaxii jabhada al shabaab ee gobolka Jubbada hoose

    howlgal qorsheeysan oo ay ciidanka xoogga dalka Somalia gaar ahaan guutad 11aad ee qeybta 43aad ay ka sameeyen aaga deegaanka baar sanguuni ee gobolka Jubbada hoose ayaa lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad al shabaab ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

howlgal qorsheeysan oo ay ciidanka xoogga dalka Somalia gaar ahaan guutad 11aad ee qeybta 43aad ay ka sameeyen aaga deegaanka baar sanguuni ee gobolka Jubbada hoose ayaa lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad al shabaab ah.

howgalkan ayaa yimid kadib markii ciidanku ay ka war heleen xog sheegeysa in nabdiidka al shaabab ay malegayan dhagar ay ku dhibaateynayan dadka ku dhaqan degaano ku dhow deegaanka baar sanguuni.

Taliyaha guutada 11aad ee qeybta 43 ciidanka xooga dalka G/sare cadoow maxamed sahal ayaa idaacada ciidamada Qalabka sida u sheegay in howgalka lagu qaarijiyay horjoge cabdi Ibrahim saleebaan iyo ku xigankisa kuwaasi oo aha madaxdii  jabhada al shabaab ee gobolka Jubbada hoose waxaana sido kale howgalka  lagu dhawacay seddax maleeshiyo.

G/sare cadoow maxamed sahal ayaa intaasi raaciyay in lagu daba jiro firxadka maleeshiyada nabdiidka ee isaga cararay aaga uu howgalku ka dhacay  dibna uu ka bixin doono faah faahfaahinta buuxda ee howgalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip