R/wasaaraha XFS oo ka hadlayey xusuusta Qaraxii Soobe ayaa sheegay in dib u habayn lagu samaynayo istiraatiijiyadda la dagaalanka argagixisada

0
Wednesday October 14, 2020 - 16:47:42 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 19
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    R/wasaaraha XFS oo ka hadlayey xusuusta Qaraxii Soobe ayaa sheegay in dib u habayn lagu samaynayo istiraatiijiyadda la dagaalanka argagixisada

    Ra'iisal wasaaraha Xukuumaddda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo xubno ka tirsan labada Gole,ayaa manta ka qeybgalay kulan ka dhacay Magaalada Muqdisho oo looga hadlay kaalinta culumada ee ka hortagga argagixisada , nabadent

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisal wasaaraha Xukuumaddda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo xubno ka tirsan labada Gole,ayaa manta ka qeybgalay kulan ka dhacay Magaalada Muqdisho oo looga hadlay kaalinta culumada ee ka hortagga argagixisada , nabadenta iyo dib u heshiisiinta dalka.

Hadal uu kulankaasi ka jeediyay Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble,waxa uu xusay dhibaatadii ka dhacday isgoyska Soobe ee 14-kii oktoobar iyo saeynta ay ku yeelatay bulshada,isagoo culumada ugu baaqay in ay xoogga isugu geeyaan sidii looga  fogaan lahaa fikirka qaldan ee xag-jirka.

Ra'iisal wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ,ayaa ka dhawaajiyay in dowladdu ay u howlgaleyso xoojinta xiriirka ka dhexeeya ciidamada iyo shacaka,isla markaana  la sameyn doono  kormeerro joogto ah oo qeyb ka ah habsami u socodka waxqabadka ciidamada.

R/Wasaare Rooble,waxa caddeeyay in  xukuumaddu ay la imaan doobto dib u habeyn xagga istraatiijiyadda ah oo lagula  dagaalami doono kooxaha  argixixisaa ah.

Mudane Rooble, waxa uu faray culimada  in ay ka shaqeeyaan raadinta nabadeynta iyo dib u heshiisiinta Dalka ,isla markaana ay gacan ka geystaan la dagaalanka argagixisada,.

Kulankaan oo ay soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Aw-qaafta XFS iyo maamulka xarunta Madaxtooyada,waxaa lagu qabtay xarunta Tiyaatarka,iyadoo ay sidoo kale ka qeybgaleen qeybaha culumada ee Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip