Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal ku dilay Madaxdii Howlgalada iyo maktabka Dacawada Xisbada ee Gobolka Shabellada Hoose''Magacyada Aqriso''

0
Monday September 21, 2020 - 21:01:02 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 455
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal ku dilay Madaxdii Howlgalada iyo maktabka Dacawada Xisbada ee Gobolka Shabellada Hoose''Magacyada Aqriso''

    Kaddib howlgal qorsheysan oo ay Ciidanka Xoogga dalka ka sameeyeen tuulada Balow oo tagta deegaanka Bariire ee gobolka shabeellaha hoose ayay ku dileen in ka badan 20 Maleyshiyaad ah iyo labo Horjooge oo ka tirsan Nabadiidka Al-shabaab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kaddib howlgal qorsheysan oo ay Ciidanka Xoogga dalka ka sameeyeen tuulada Balow oo tagta deegaanka Bariire ee gobolka shabeellaha hoose ayay ku dileen in ka badan 20 Maleyshiyaad ah iyo labo Horjooge oo ka tirsan Nabadiidka Al-shabaab

Taliyaha ururka 143 ee xoogga dalka Dhamme Axmed Xasan Siyaad oo la hadlay Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida ayaa sheegay in howlgalka uu yimid kadib markii dadka degaanka ay la soo wadaageen xogta Maleyshiyaadkaan iyo horjogayaasha la dilay sidaasna ay ugu suuragashay in howgal qorsheysan lagu dilo 20 kamid ah Al shabaab iyo Labo Horjooge oo xilal muhiim ah ka haayay Al-shabaab

Dhamme Axmed Xasan Siyaad waxa uu sheegay in labada Horjooge ee la dilay ay Al-shabaab u qaabilsanayeen xilalka Madaxii Howlgalada Gobolka iyo maktabka Dacawada Xizbada

Magacyada labada Horjooge ee la dilay ayuu Taliyaha ku kala sheegay Xuseen Macalin Nuur oo ku Magac dheer Abuu qudama waxa uuna Al-shabaab u qaabilsanaa Madaxii Howlgalada Gobolka Shabellada Hoose iyo Farxaan Abuu Macalin oo ku magac dheer ganay Al-shabaab u qaabilsanaa maktabka Dacawada Xizbada

Waxaana intaas uu hadalkiisa ku daray taliye Axmed Xasan siyaad inay gubeen doomo Al shabaab ay isaga kala gudbi jireen Wabiga Shabeelle ee mara Bariire iyo degaannada kale ee gobolka Shabeellaha hoose.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip