Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo sheegay in dagaalka Bulacle lagu dilay 16 ka tirsan Al-shabaab
Wararka aan ka helayno degaanka Bulacle ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal xooggan oo u dhexeeya Al-shabaab iyo Ciidanka uu halkaasi ka qaraxay
Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ka war helay in degaanka Bulacle ee Gobolka Galgaduud ay isku Aruursanayeen Xubno ka tirsan Maleyshiyada Al-shabaab
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya General Odowaa Yuusuf Raage oo la Hadlay Idaacada Ciidamada ayaa Sheegay in dagaalka Bulacle lagu dilay Maleyshiyaad iyo Horjogayaal ka tirsan Nabadiidka Al-Shabaab.
Generaal Odowaa Yuusuf Raage waxa uu tilmaamay in dagaalka lagu dilay ku dhawaad 16 ka tirsan Nabadiidka Al-shabaab
Ugu dambeynti Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Xusay in dagaalka Al-shabaab looga qabsaday Sideed qori uu isugu jira Ak47 Bkm iyo Hal qori oo Saban ah

0 