Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo soo xiray shirka doorashooyinka iyo dhammeystirka heshiisyadii Samareeb 1-3 "SAWIRRO"

0
Thursday September 17, 2020 - 21:05:20 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 435
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo soo xiray shirka doorashooyinka iyo dhammeystirka heshiisyadii Samareeb 1-3 "SAWIRRO"

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo soo xiray Shirkii Doorashooyinka dalka ayaa uga mahadceliyey Kusimaha Ra'iisul Wasaaraha XFS, Madaxda Dowlad-goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir m

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo soo xiray Shirkii Doorashooyinka dalka ayaa uga mahadceliyey Kusimaha Ra'iisul Wasaaraha XFS, Madaxda Dowlad-goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir mudnaanta ay siiyeen in la sii amba-qaado dhammeystirka Heshiiska Doorashooyinka.

Dhankooda, Madaxda Shirka qeybta ka ahayd ayaa ku bogaadiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hoggaaminta ku dhisan isku haynta dalka ee uu muujiyay muddadii ay wadahadalladu socdeen, isaga oo xoogga saaray in wadajir iyo wada-ogol lagu dhammeeyo arrimaha doorashooyinka dalka.

Xiritaanka Shirka waxaa ka qayb-galay Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip