Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Ee Danab Oo Howlgal Kudilay Horjoogihii Maleeshiyaadka Argagixisada Al-shabaab Dhinaca Maaliyada Gobolka Jubada hoose.
Howlgalkani ooahaa mid lagu bur-burinayay meelo ay ku dhuumaaleeysanayeen maleeshiyaadka argagixisada al-shabaab ayaa ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee danab waxeey ka fuliyeen degaanka koban oo hoostaga degmada jamaame ee gobolka jubada hoose.

Howlgalka ayaa ciidanka waxeey kudileen horjoogihii
argagixisada uqaabilsanaa maaliyada gobolka jubada hoose kaasi oo lagu magacaabo Cali Garwayne iyo afar maleeshiyaad
oo ilaalo u ahaa sida uu Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida usheegay Taliyaha
Guutada 16-aad kumaandooska xoogga dalka danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik
Maalin.
Taliyaha ayaa sidookale tilmaamay in ciidanka sidookale ay wadada udhexeeysa jamaame iyo kismaayo kasoo saareen miinooyin ay wada galiyeen maleeshiyaadka al-shabaab kuwaasi oo ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka isticmaala wadadaasi.
G/le Ismaaciil ayaa sheegay in howlgalka bur-burinta uu socda islamarkaasna ujeedkiisun yahay sidii loo ciribtirilahaa maleeshiyaadka ragagixisada al-shabaab.