
Maleeshiyaad ka tirsan argagixisada Al-shabaab oo wata banbaanooyinka gacanta oo la qabtay
Ciidanka nabad sugida maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale gacanta kusoo dhigay dhagar-qabayaal ka tirsan argagixisada Al-shabaab kuwaas oo lagu kala magacaabo Xasan Cabdi Ibraahin iyo Abuukar Cabdi Yaxye oo maleeshiyada u qaabilsanaa isu gudbinta miinooyinka,dhigista iyo qarxintoodaba, waxeyna qirteen in ay gacanta kula jireen xilliga ay ciidamadu soo qabanayeen sida taliska NISA ee Jubbaland ay sheegeen.
"Sidoo kale ciidanka Nabad Sugida hawlgallo qorsheysan oo ay ka sameyeen aaga jiinka wabiga tuulada Yoontooy labadeeda Gedi waxaa ay gacanta ku soo dhigeen dhagar qabayaasha kala ah Xasan Cabdi Ibraahim iyo Abukar Cabdi Yaxye oo Al-Shabaab u qaabilsanaa soo gudbinta miinoyinka dhigista iyo Qarxintoodaba waxaana ay qirayaan ragani in ayagoo hawsha Gacanta kula jira ay ciidanka Nabad Sugida soo qabteen” ayaa lagu yiri war ka soo baxay ciidanka NISA ee Jubbaland.
Maleeshiyaad ka tirsan argagixisada Al-shabaab oo wata banbaanooyinka gacanta oo la qabtay
Taliska Ciidanka nabad suggida Jubbaland ayaa sheegay in howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ay gacanta kusoo dhigeen waxyaabaha qarxa iyo maleeshiyadii gacanta kula jirtay.