Ciidamadda Kumaandooska XDS Oo Gobolka Jubada dhexe kudilay Horjooge u Dhashay Dalka Nepal,

0
Thursday June 25, 2020 - 16:22:24 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 896
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamadda Kumaandooska XDS Oo Gobolka Jubada dhexe kudilay Horjooge u Dhashay Dalka Nepal,

    Howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidamadda kumaandooska xoogga dalka ee ayay ku dileen mid kamid ah horjoogayaasha maleeshiyaadka argagixisada al-shabaab uqaabilsanaa dhinaca tababarada kaas oo lagu magacaabo Ashraf azmi Abu (Hamdan) una dhashay da

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidamadda kumaandooska xoogga dalka ee ayay ku dileen mid kamid ah horjoogayaasha maleeshiyaadka argagixisada al-shabaab uqaabilsanaa dhinaca tababarada kaas oo lagu magacaabo Ashraf azmi Abu (Hamdan) una dhashay dalka Nepal ee qaarada aasiya.

Howlaglaka qorsheeysan ayay kumaandooska kasameeyeen degaanada Buur-gaduud, Waabo, Salagle, Duqay oo hoosyimaado degmada saakoow ee gobolka Jubada dhexe.

Taliyaha guutada 16-aad kumaandooska xds ee danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida usheegay howlgalka inuu ahaa mid qorsheeysan kaasi oo ay fuliyeen ciidamadda sida gaarka ah u tababran ee kumaandooska danab islamarkaasna ujeedkiisu uu ahaa beegsiga horjoogayaasha argagixisada iyo meelaha ay ku dhuumaaleeysanayaan.

Taliyaha ayaa tilmaamay horjoogahani u dhashay dalka Nepal inay la dhinteen sadex maaliyaad ah oo lajoogay goobta uu howlgalka kadhacay.

Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kumaandooska ayaa kordhiyay howlgalada ay ku bartilmaameydsanayaan horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka argagixsada al-shaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip