Taliyaha CXDS oo gaaray Magaalada Cadaado''Sawirro''

0
Tuesday May 26, 2020 - 19:26:23 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 442
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha CXDS oo gaaray Magaalada Cadaado''Sawirro''

    Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Odawaa Yuusuf Raage oo kujira safar uu Ku marayo Xarumaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Deegaanada Galmudug ayaa maanta gaaray Magaalada Cadaado , isagoo kormeer ugu tagey Ciidamada Dhulka Xoogga Dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Odawaa Yuusuf Raage oo kujira safar uu Ku marayo Xarumaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Deegaanada Galmudug ayaa maanta gaaray Magaalada Cadaado , isagoo kormeer ugu tagey Ciidamada Dhulka Xoogga Dalka ee fadhigoodu yahay Xerada ciidamada Cadaado .
Kormeerkan waxaa ku wehliyay Taliyaha Xoogga saraakiil ka tirsan qaybaha 21-aad iyo 27-aad ee xoogga dalka sida Genaral Saalax yacquub oo ah Abaanduulaha qaybta 27-aad iyo Gaashaane Aadan Siyaad Cabdi Abaanduulaha Qaybta 21-aad , cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga ayuu taliyuhu salaan sharaf ka qaatay waxaana intaa kadib soo dhoweyn u sameeyay Maamulka Degmada Cadaado oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha C/laahi C/raxmaan Tootoole .

Cadaado ayaa haatan qayb ka ah Xarumaha ugu waaweyn ee Qaybta 21-aad iyadoo fadhiisin u ah Guutada 13-aad Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka .







Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip