Ciidamadda Kumaandooska Xoogga Dalka Oo howlgal kadhacay Degaanka Leego ku dilay Horjoogihii Canshuuraha iyo maleeshiyaadkiisa,

0
Thursday May 21, 2020 - 14:27:09 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 813
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamadda Kumaandooska Xoogga Dalka Oo howlgal kadhacay Degaanka Leego ku dilay Horjoogihii Canshuuraha iyo maleeshiyaadkiisa,

    Howgal qorsheeysan oo ay kumaandooska xoogga dalka ee danab ka fuliyeen degaanka leego ee gobolka shabeelaha hoose ayay ku bur buriyeen goob maleeshiyaadka argagixisada al-shabaab ay ku qaadayeen lacago baad ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Howgal qorsheeysan oo ay kumaandooska xoogga dalka ee danab ka fuliyeen degaanka leego ee gobolka shabeelaha hoose ayay ku bur buriyeen goob maleeshiyaadka argagixisada al-shabaab ay ku qaadayeen lacago baad ah.

Howlaglka ayaa lagu qaarijiyay horjoogihii canshuuraha argagixisada uqaabilsanaa degmada walan weeyn iyo degaanada hoos yimaada waxaa sidookale ciidanka halkaasi ay ku qaarijiyeen labo maleeshiyo oo lasocday.

Taliyaha guutada kumaandooska xoogga dalka ee danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in howlgalka uu yimid kadib markii cabasho ay katimid dadka shacabka wadadaasi isticmaalo ciidanka oo ka jawaabaya cabashada dadka soomaaliyeed inay bur buriyeen gabi ahaanba goobtii lacagaha baada ah lagu qaadayay islamarkaasna lagu dilay horjoogihii qaabilsanaa iyo maleeshiyadiisa

Taliyaha ayaa intaasi kudaray in horjoogaha howlgalka lagu dilay lagu magacaabo abuu Haashimbalse magaciisa oo dhameystiran dib kasoo sheegidoonaan.












Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip