Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Oo Kormeeray Difaacyada Ciidanka Ee Gobolka Gal guduud,
Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta booqday difaacyada hore ee Ciidamada Xoogga dalka ay Ku leeyihiin Bariga Gobolka Galgaduud iyo Fadhiisimaha Cusub ee Abaabulka iyo Qorsheynta Howlgalada .

Goobaha taliyuhu booqday oo jihooyin kala duwan kaga yaala Gobolka Galgaduud ayaa saldhig u ah Ciidamada xooggadalka , waxaa uu taliyuhu Kormeeray Fadhiyada Ciidanka iyo howlaha socda isagoo saraakiisha Taliska qaybta 21-aad ka dhageeystay Qorsheynta Howlaha socda iyo Duruufaha Ku xeeran Ciidamada si Taliska Guud ee Xoogga Dalka uu kaga jawaabo culeeys kasta oo jira.
Dowlada Faderaalka ayaa wada qorsheynta howlgalada Xoreynta Deegaanada Maleeshiyaadka Alshabaab ka joogaan Gobolka Galgaduud iyadoo cutubyo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed la geeyay deegaano horleh oo ka tirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud .