Ciidanka Xoogga Dalka Oo Howlgal ay Ka sameeyeenWadada, Isku Xirta Buulo-burde iyo Jalalaqsi kudilay Maleeshiyaad Argagixisada katirsan,

0
Saturday April 04, 2020 - 22:21:36 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 487
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Xoogga Dalka Oo Howlgal ay Ka sameeyeenWadada, Isku Xirta Buulo-burde iyo Jalalaqsi kudilay Maleeshiyaad Argagixisada katirsan,

    Howlgalkani ciidanka xoogga dalka uu kasameeyay inta udhexeeysa magaalooyinka Buulo-Burde iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa lagu baaqsanayay maleeshiyaadka argagixisada ee sida dhuumaaleeysa ku soogala wadada islamarkaasna isku daya inay dh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Howlgalkani ciidanka xoogga dalka uu kasameeyay inta udhexeeysa magaalooyinka Buulo-Burde iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa lagu baaqsanayay maleeshiyaadka argagixisada ee sida dhuumaaleeysa ku soogala wadada islamarkaasna isku daya inay dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ciidanka lug kasoo bilaabay degmada Buulo-burde islamarkaasna kuyimid jalalaqsi intii ay wadada, kusoo jireen waxay kudileen afar maleeshiyaad katirsan argagixisada al-shabaab waxayna kabadbaadiyeen sadax gaari oo dad shacab lahaayeen kuwaasi oo ay doonayeen inay dhacaan balse ciidanka ayaa ku guuleeystay sida uu Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay Taliyaha Ururka 41aad Gamadiid Guutada 5aad Qaybta 27aad Xoogga Dalka Dhamme Cabduqaadir Cali Nuur.

Wuxuuna intaasi kudaray intii howlgalka ay ku jireen inay caawiyeen shacab gaadiidkooda kabixi waayay dhiiqada kadhalatay roobka guga, oo ka curtay qaybta kami ah gobolka hiiraan.

Dhamme Cabduqaadir Cali Nuur ayaa xusay in howlgalada noocani oo kala ah ay xoojindoonaan si loo ciribtiro maleeshiyaadka argagixisada ee qoowleystada ah.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip