Ra'iisul Wasaare Khayre oo ka tacsiyeeyay geerida Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Cadde

0
Wednesday April 01, 2020 - 12:51:35 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 494
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Khayre oo ka tacsiyeeyay geerida Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Cadde

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka tacsiyeeyay geerida Ra'iisul wasaarhihii hore ee Soomaaliya Marxuum Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo maanta ku geeriyooday magaalada London ee caasimadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka tacsiyeeyay geerida Ra'iisul wasaarhihii hore ee Soomaaliya Marxuum Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo maanta ku geeriyooday magaalada London ee caasimadda dalka Ingiriiska.

Ra’iisul wasaaraha ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo ehelka marxuumka uga tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Nuur Cadde oo maalmahaan cudurka Covid-19 la xanuunsanayay,isagoo Alle uga baryay inuu Jannadiisa ka waraabiyo.

"Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo qoyska uu ka baxay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka marxuum, Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ku geeriyooday London. Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, ehelkana uu samir iyo iimaan ka siiyo”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip