Idaacadda Ciidammada Qalabka sida oo Nabar xanuun badan ku noqotay Maleeshiyada Alshabaab (Cadeymo)

1
Monday January 15, 2018 - 20:00:10 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 6230
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Idaacadda Ciidammada Qalabka sida oo Nabar xanuun badan ku noqotay Maleeshiyada Alshabaab (Cadeymo)

    Warbaahinta Ciidammada Qalabka sida ee Soomaaliyeed ee SNA Radio 90.7 FM oo la aas-aasay Sanadkii 2014, ayaa ujeedka loo sameeyey waxay tahay inay ku hadasho Afka Ciidammada geesiyaasha ah ee dalka, islamarkaana ay soo bandhigto Warbixinada ku saabsa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbaahinta Ciidammada Qalabka sida ee Soomaaliyeed ee SNA Radio 90.7 FM oo la aas-aasay Sanadkii 2014, ayaa ujeedka loo sameeyey waxay tahay inay ku hadasho Afka Ciidammada geesiyaasha ah ee dalka, islamarkaana ay soo bandhigto Warbixinada ku saabsan Ciidammada, guulaha ay gaareen iyo inay isku xirto Shacabka iyo Ciidanka.

Ujeedka loo aas-aasay Idaacadda, ayaa muuqato in laga miro dheliyey, waxaana ay xoogga saartay siddii la isugu xiri lahaa Shacabka iyo Ciidanka, iyaddoo sameeysay barnaamijyo joogto ah iyo fariimo  looga hadlayo Muhiimada ay leedahay Bulshada in Ciidanka ay ka taageeraan sugida amniga, waxaana markii Idaacadaan la sameeyey kadib suurta gashay wacyi gelin ballaaran kadib in Shacabka ay ku dhiiradaan inay soo gudbiyaan Warbixino iyo xogo xasaasi ah oo sahashay in la fashiliyo dhagaro badan oo Cadowga Alshabaab ay doonayaan inay ku waxyeeleeyaan Bulshada, sidoo kalana Maleeshiyaad iyo Horjoogeyaal baxsad ah oo dadka isku dhex qarinayey ayaa suurta gashay in Ciidammada Ammaanka loo soo gudbiyo.

Shaqaalaha Idaacadda Ciidammada qalabka sida oo aan ku tilmaami karo inay yihiin kuwa naftooda u huray Qaranka, ayaa bilaabay inay dhex gelaan Ciidamada, iyaggoo u raacaya howlgalada iyo Weerarada Maleeshiyada Alshabaab lagu beegsanayo, waxaana ay soo tabiyaan xogta tooska ah ee weerarka iyo Qasaaraha Cadowga la gaarsiiyey, iyaddoo arintaas ay ka dhalatay in Shacabka Soomaaliyeed ay ku xirnaadaan Idaacadda iyo in SNA RADIO ay noqotay Isha kaliya ee Warbaahinta Caalamka iyo kuwa gudaha ay kasoo xigtaan Wararka ku saabsan Ciidanka iyo Howlgalada ay sameeyeen.



Warbaahinta Ciidammada Qalabka sida ee Soomaaliyeed, ayaa waxay soo bandhigtaa Fursadaha Shaqo ee ka banaan Talisyada Ciidamada Qaranka sida markii la qorayo Ciidanka, Saraakiisha iyo shaqooyinka kale, waxaana Idaacadda ay ku faaneysaa in Bulshada ku xiran SNA ee dhageystay fursada ay soo bandhigtay ay soo dirsadeen Codsiyadooda, iyaddoo ay jirtay in tiradii loo baahnaa in la qaato seddex jibaarkeeda ay soo dalbadeen Shaqooyinka Ciidanka ka banaan ee aan soo bandhignay, Xulasho ku saabsan Aqoonta iyo Waayo aragnimada soo codsadaha iyaddoo la fiirinayo, ayaa Talisyada ciidanka waxay qaateen tiradii loo baahnaa, sidaasna ay uga mid noqdeen Ciidanka, iyaggoo hadda ka howl gala Xafiisyada kala duwan ee  Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.


Sidoo kale Idaacadda, ayaa daba gal ku sameeysa Warbixinada been abuurka ah ee Warbaahinta ku hadasha afka Kooxda Alshabaab ay qorto, taasi oo shacabka ku marin habaabineyso Probagando aan jirin, iyaddoo ka leexineysa xogta saxda ah ee Jabka kooxdaasi soo gaara ku saabsan, waxaana SNA Radio ay xoogga saartaa inay soo bandhigto Dacaayadaha aan jirin ee Kooxdaasi dhulka baadiyaha ku dhuumaaleysaneysa, iyaddoo adeegsaneysa Cadeemo sax ah.

Kooxda Alshabaab, ayaa markii ay u dulqaadan weysay kor u kaca ay sameysay Idaacadda CQS  iyo Shacabka Soomaaliyeed oo ku xirmay owgeed waxay bilaabeen inay u hanjabaan Shaqaalaha Idaacadda, iyaggoo u soo diraya Fariimo ay ku leeyihiin "Haddii aad joojin weysaan Wararka aad naga sheegtaan waan idin leyneynaa dhammaantiin” waxaana ujeedada ay ka leeyihiin Hanjabaada ay tahay in shaqaalaha ay cabsadaan, siddaasna ay ku joojiyaan Shaqada adag ee ay hayaan, balse taasi badalkeena waxay sameeyeen inay sii laba laabaan shaqadooda oo ay ka kasii qaadaan Handadaada Nabad diidka Howl karnimo.



Taasi badalkeeda Shacabka Soomaaliyeed, ayaa inoo soo diray Bogaadin iyo Mahad celin, iyaggoo nagu dhiiri geliyey inaan sii kordhino Howlaha Idaacadda, ayna inoo sheegen in aan ka haqab tirnay Wararka ku saabsan Ciidamada iyo Guulaha ay gaareen, taasi oo markii hore aysan jiri jirin meel ay kala socdaan ama Warbaahin ku dhiirata soo tabinta Xogahaasi.




Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo si aad ah ula socda Shaqada ay heyso Idaacadda Ciidammada qalabka sida, ayaa nagu soo booqday Xarunta Idaacadda, isaggoo boggaadiyey Shaqaalaha, kuna dhiiri geliyey inay sii laba jibaraan Howsha qaranka ay u hayaan.



Isku soo wada duub Maamulka Idaacadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, ayaa hadda qorsheyneysa in ay baahiyaan Raadiyaha, waxaana ay ku tala jiraan in Dhammaan gobolada dalka ay gaarsiiyaan adeegyada Idaacadda, si Shacabka Soomaaliyeed ay u wada gaarto Aqbaarta Wanaagsan ee Ciidanka ku saabsan iyo in wacyi gelin joogto ah ay helaan.



Idaacadda Ciidammada Qalabka sida ee Soomaaliyeed
Somali National Army Radio SNA
snaradio2014@gmail.com
Muqdisho-Soomaaliya


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip