
WAA MAXAY WADANIYAD?
Taariikh ahaan waxaa wadaniyada lasheegaa in ay jirtay aadanuhuna kubaraarugsanaayeen muhiimadeeda dhalashadii nabi ciise{C.S} kahor, waxaase aadanuhu si wayn u isticmaalay fikradaan muhiimadeedana si wayn loo fahmay xiliyada taariikhda ee lagu calaamadiyay fufkii yurub{ European reniesence}.
Waa xili umadihii kunoolaa dalalkaasi ay u
adkaysan waayeen dulmigii iyo dibindaabyadii ay wadaadadii kaniisadu kuhayeen
umadahooda, waana xili ay dhalinyaradii waayahaas unoolaa bulshooyinkaasi ay u
istaageen in ay umadooda kaxoreeyaan dibindaabyada wadaado kaniisada kuxiran
dadkiina uhorseedayay walaahow iyo mugdi nololeed. waana xiliga ugu caansan
taariikhda casriga ah ee wadaniyada.
Waxaa fikradan taageero buuxda siiyay oo
hanaqaadkeeda raad wayn kulahaa qaar kamid ah qubaradii cilmiga ee xiligaasi
noolaa kuwaas oo da,yartii waayahaas kubaraarujiyay muhiimada ay leedahay
wadaniyadu iyo in dalkaada loo adeego maskaxdana laga xoreeyo wadaadada
kaniisada uun ku eg dadkana dhiig miiradka ku noqday. waxaa culimadaas kamid
ahaa caalimkii lagu magacaabi jiray jean jacques rousseau, oo ahaa caalim
faransiis ah noolaana xiliyada fufkii yurub kaalin wayna kulahaa kaxoroobidii
wadaadada.
waxaan meesha kamaqnayn in ay jireen culimo
kale oo waayadaas noolaa kana soo horjeeday wadaniyada. culimadaas ayaa waxay
kudoodayeen in fikradan wadaniyadu ay tahay mid aadanaha kala qoqobaysa kuna
kala oodayso xuduudo kuna dhalinaysa fikrad kuslaysan isir ama wada dhalsho
taas oo ay sheegayeen in ay kadhalan karto nacayn kusalaysan isir ama wadan.
hadaba dunidan casriga ay iyo qarnigan 21aad
waxaa laysku raacsanyahay in wadaniyadu ay tahay wax lagama maarmaan ah ayna
muhiim utahay jiritaanka umadeed si ay uxaqiijiyaan jiritaanka jiilalkooda
dambe, ahaanshahooda dadeed iyo lahaanshahooda dhuleed.
Wwaxaana la aaminsanyahay in umada
damiirkeeda wadaniyadeed oo dhamaadaa ama diciifaahi uu astaan uyahay dabargo
kusoo fool leh umadaas qarniyada dambe aysan macquul ahayn in ay sii jirto umad
aan lahayn wax isku haya ama wax ay wada jecelyihiin oo wada ilaashadaan.
Soomaalida
Iyo Wadaniyada
qarniga 21aad umada soomaaliyeed wuxuu
ubilowday iyaga oo ku dhexjira badwayn burbur iyo walaahow umadeed ah, waxay
da,yar badan oo soomaaliyeed kubarbaareen deegaano aysan kajirin haba yaraatee
wax kobcinaya aragtida qofeed ee ku saabsan wada lahaansho guud iyo midnimo
umadeed.
Waxay kubarbaareen meel ay adagtahay in
dhalinta soomaaliyeed ay maqlaan Qof kasheekeynaya wadaniyad ama wadan, waxaana
inta badan da,yarta soomaaliyeed ay xaafadahooda subax iyo habeenba ka maqlaan
waalidkood oo kasheekeynaya qabiilada uu qofkaasi kadhashay iyo qabiilo kale oo
soomaaliyeed ama colaad horay u dhexmartay ama mid hada taagan.
Waxaa markaas adag in lafisho ama lahelo
soomaali da,yar ah oo u firfircoon wadaniyad iyo wadan jacayl sidaa oo ay tahay
waxaa nasiib wanaag ah in da,yarta soomaaliyeed maanta laga helayo kuwo badan
oo damiirkooda iyo dareenkooduba uguuxayo dib ukabasho umadeed iyo dhisme qaran
soomaaliyeed.
Da,yarta soomaaliyeed ee waqtiga joogtaahi
waxay nasiib u yeesheen iney noolaadaan xili dalka iyo dadkuba ay kujiraan
marxalad adag. marxaladaasi da,yarta soomaaliyeed marna waa u dhib marna waa u
dheef.
Mar waa u dhib oo waa xili adag oo mararka
qaar meelaha qaar waxaaba adag in qofka soomaaliga ahi uu sheegto isirkiisa
soomaalinimo, waa waqti ummadda soomaaliyeed ay baylah unoqotay cadow iyo nacab
aan naxariis lahayn, waa xili ay ummaddan cawradeedii banaanka taalo oo
gidaarada caasimadaha wadamada deriska nala ah iyo kuwo reer galbeedkaba ay
kudayacanyihiin dhalinyaro soomaaliyeed oo aan nolol kuhaysan dhulkii hooyo
waxay kula noqdaana aan garanayn.
Marna waa u dheef oo xiligan oo kale waa
xiligii ay ummad kastaahi ubaxsan jirtay da,yarteeda. da,yartuna ay u heelanaan
jireen sidii ay usamata bixin lahaayeen dalkooda iyo dadkooda, waa xiligii
lakala garan jiray halyeeyga iyo humaaga qof u ekaha ah, waa xiligii ay soo
shaac bixi jireen halyeeyada qaran ee ummad walbaahi kufaanto maalmaha laysu
qof tirsanayo buugaagta taariikhdana loobaahdo wixii lagu qori lahaa, waana
xiliga uu shaqsi kastaahi soo bandhigi-lahaa waxa isaga ku dhexjira xumaan iyo
samaan midii ay doonto.
hadaba dhalinyaro mala joogaa xiligii aan
kashaqaysiin lahayn caqliga caafimaadka qaba oo aan u istaagi lahayn samata
bixinta umaddaan cadowga udayacan oo aan dadkeena iyo dalkeena kaxorayn lahayn
siyaasi kusheega maanta buuxiyay kuraasta wadanka una adeegaya quwado shisheeye
ee aan lahayn damiir ummadeed iyo dareen wadaniyadeed toona?
Waxaan isleeyahay mardhow ummaddani wey
kabixi doontaa walaahowga nololeed iyo dhibaatada ragaadisay mudada dheer.
waxaana aaminsanahay taariikhda ayaa qori doonta cid walba wixii ay sameysay.
Waxaana kutalinlahaa ragga iyo haweenka maanta
u kala tartamaya kuna kala dheereynaya midnimada reeraha ay kadhasheen
ilaawayna midnimadii qaran ee ummadda iney wax iskula haraan ogaadaana
marxaladan in laga bixi doono.
W/Diyaariyay
Qoraa Sare
Omar Mohamad
Kulmie
Omar British
WAA MAXAY WADANIYAD?
Waxaan Qoraalkeyga Ku Bilaabayaa wadaniyadu waa dareen qofnimo iyo damiir ummaddeed taas oo shakhsigeeda ku dhalisa jacayl uu uqabo dalkiisa iyo dadkiisa, taas oo qofkeeda ka dhigta shaqsi kadamqanaya wixii xun ee dalkiisa iyo dadkiisa loo asteeyo un