Afhayeenka CDXS''Shaqsiga Al-shabaab isu Dhiibay Maanta waxa uu Ahaa Shaqsi Burcad ah Ma Eheen Askari

0
Thursday September 14, 2017 - 21:47:36 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1367
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afhayeenka CDXS''Shaqsiga Al-shabaab isu Dhiibay Maanta waxa uu Ahaa Shaqsi Burcad ah Ma Eheen Askari

    Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Beeniyay inuu ka Tirsanaa Cabdullahi Maxamuud Cali oo loo Yaqaan ''Xaynoof'' kasoo Nabadiidka Al-shabaab ay ku sheegeen inuu ahaa Sargaal ka Tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Beeniyay inuu ka Tirsanaa Cabdullahi Maxamuud Cali oo loo Yaqaan ''Xaynoof'' kasoo Nabadiidka Al-shabaab ay ku sheegeen inuu ahaa Sargaal ka Tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya,
Afhayeenka Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya Dhamme Cabdullahi Imaan Ceynte oo u waramay Idaacadaa Ciidamada qalabka Sida ayaa sheegay in Cabdullahi Maxamuud uu Hore ugu Tirsanaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya uuna Ahaa Askari waxa uuna Tilmaamay inuu Mar Hore ka Baxay Ciidamada Xoogga Dalka 

Sidoo Kale Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Xusay in shaqsigaas Hore ugu Baxay Ciidamada Xoogga Dalka Isagoona dhac u geestay  Saxiibadiisa ay ka wada Tirsanayeen Ciidamada waxa uuna ka dhacay lacag Dhan Laba  kun  oo Dollar iyo sadaax Qori 


Dhamme Cabdullahi Imaan ayaa sidoo kale Xaqiijiyay in shaqsigaasi uu sidoo kale isku dhiibay Maamulka Gobolada dhaxe ee Ahlusuna waljameeca ka Dibna Markii uu Maqlay in lagu Wareyjin Rabo Ciidamada Xoogga Dalka uu isku dhiibay Nabadiidka Al-shabaab

 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip