Howlgalo Qorsheysan oo ka Socda Degmada Afgoye

0
Monday January 09, 2017 - 11:25:48 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1217
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Howlgalo Qorsheysan oo ka Socda Degmada Afgoye

    Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa saaka howlgallo waxa ay ka wadaan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose sida ay Idaacadda Ciidamada qalabka sida u sheegeen Saraakiil ka Tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa saaka howlgallo waxa ay ka wadaan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose sida ay Idaacadda Ciidamada qalabka sida u sheegeen Saraakiil ka Tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

Ciidamada Xoogga Dalka  Soomaaliya ayaa baadigoobaya Maleyshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo lagu tuhmaayo in ay ku sugan yihiin qeybo ka mid ah Xaafadaha degmada Afgooye.

 

Ciidanka Hay’adda Nabad suggida iyo sirdoonka Qaranka ayaa shalay degmada Afgooye ku qabtay Mooto  ay saarnaayeen walxaha Qarxa.

 

Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in ay Adkeyeen Ammaanka degmada Afgooye Maadamada Shacabka Degmada iyo Ciidanka ay Wada Shaqeyn Buuxda ka dhaxeyso

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip