Ciidanka Danab howlgal qorsheysan ka fuliyay Jubada hoose
Kismaayo(SNA…Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ayaa xalay la wareegay tuulada Golishumbi oo ka tirsan gobolka Jubbada hoose ,kadib markii ay weerareen fariisin ay ku sugnaayeen kooxda Al-shabaab.
Taliyaha ciidamada Jubbaland Korneyl Aadan Goojaar oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa xaqiijiyay in howgal qorsheysan oo dhinaca cirka iyo dhulka ay habeenimadii xalay ciidamada kumaandooska ay ku qaadeen deegaanka Golishumbi ,halkaasoo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab.
Korneyl Aadan Goojaar,ayaa sheegay in howlgalkii xalay ee lagu baacsaday kooxda Al-shabaab uu dabajoogo duqeymo ka ka dhacay isla deegaankaasi,halkaasoo lagu dilay 4-horjooge isla markaana lagu dhaawacay tiro kale oo Al-shabaab ah
Idaacadda Ciidammada Qalabka sida ee Soomaaliyeed
Muqdisho-Soomaaliyeed