Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo Morocco ka codsadsey in garab laga siiyo la dagaalanka Al-shabaab

0
Saturday April 16, 2016 - 10:04:21 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 839
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo Morocco ka codsadsey in garab laga siiyo la dagaalanka Al-shabaab

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ayaa kala hadlay Dowladda Morocco, sidii ay Soomaaliya kaga taageeri lahayd xoojinta ammniga iyo la dagaallanka argagixisida.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ayaa kala hadlay Dowladda Morocco, sidii ay Soomaaliya kaga taageeri lahayd xoojinta ammniga iyo la dagaallanka argagixisida.

Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke Ra’iisul wasaaraha Soomalaya ayaa dalka Turkiga kulan kula qaatay Wasiirka arrimaha dibada ee Dalka Morocco Salaaxudiin Miswaar oo ay ka wada hadleen sidii Morocco ay Soomaaliya uga caawin lahayd dib u dhiska hay’adaha amniga, muqaabaraadka, la dagaallanka argagixisada iyo in dhaqan celin loo sameeyo dadka ay marin habaabiyeen Al-Shabaab ee isu soo dhiiba gacanta dowladda.

Kulanka ayaa xoogga lagu saaray arrimaha amniga, iyagoo isku raacay arrimo badan oo uu Ra’iisul wasaaruhu ka dalbaday dowladda Morocco.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Morocco ayaa sheegay in ay gacan ka geysan doonaan sidii Soomaaliya ay uga caawin lahaayeen arrimaha amniga.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip