Taliska Asluubta oo sheegay in la Adkeeynayo Amaanka Maxkamada Gobolka

0
Friday April 15, 2016 - 12:11:37 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 939
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliska Asluubta oo sheegay in la Adkeeynayo Amaanka Maxkamada Gobolka

    Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliya, General Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay xoogga saari doonaan suggida ammaanka Xarunta Maxkamadda Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliya, General Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay xoogga saari doonaan suggida ammaanka Xarunta Maxkamadda Magaalada Muqdisho.

Taliyaha, ayaa qeexay inay kol hore ciidan taabacsan Taliska Asluubta Somaliyeed, ay soo dhigeen meesha ay ku dhammaato wadada Dekeda illaa Kawaankii hore ee Kalluunka, goobahaasina ay ka ilaaliyaan ammaanka Xarunta Maxkamadda.

Taliyaha, ayaa intaa ku daray inay kordhinayaan kontoroolada wadooyinka soo gala Xaruntaasi, si ay kaga hortaggaan weeraro ay ku qaadaan Kooxda Al Shabaab .

 

General Bashiir Goobe, ayaa carabka ku adkeeyay in dadaaladoodu ugu badan ay gelin doonaan, sidii ay u xaqiijin lahaayeen in qaab nabadgelyo ah ay ku hawlgasho Hay’adda Garsoorka.

 

Shalay oo kale seddex sano kahor waxey aheyd xiligi UGUS ay weerartay xarunta maxkamadda Muqdisho.



Xafiiska WarfaafintaTaliskaCiidanka Asluubta Soomaaliyeed

Mogadisho-Somalia



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip