Baarlamaanka Jermalka oo Ansixiyay in Hawlo Militari ay Ciidamada Dalkaasi Kabilaabaan Soomaaliya iyo Mali - See more at: http://hiiraan.com/news/2016/Apr/wararka_maanta14-95564.htm#sthash.QKRHdday.dpuf

0
Thursday April 14, 2016 - 13:11:15 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 824
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka Jermalka oo Ansixiyay in Hawlo Militari ay Ciidamada Dalkaasi Kabilaabaan Soomaaliya iyo Mali - See more at: http://hiiraan.com/news/2016/Apr/wararka_maanta14-95564.htm#sthash.QKRHdday.dpuf

    Sida lagu daabacay barta internetka ee wararka eeSputnik shalay, baarlamaanka Jermalka ayaa ansixiyay qorshe ay hawlo militari uga bilaabayaan ciidamada militariga ee dalkaasi Soomaaliya iyo Mali.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida lagu daabacay barta internetka ee wararka eeSputnik shalay, baarlamaanka Jermalka ayaa ansixiyay qorshe ay hawlo militari uga bilaabayaan ciidamada militariga ee dalkaasi Soomaaliya iyo Mali.

Gaar ahaan ciidamadaa ayaa waxay hawlo militari ka bilaabayaan Mali iyo xeebaha Soomaaliya sida uu sidoo kale sheegay afhayeenka dawlada Jermalka Arbacadii shalay ahayd.

 

Ciidamada Jermalka ee meelahaa la geynayo ayaa waxaa ay hoos imaanayaan EU ama Midowga Yurub oo dammaanad qaaday ilaa laga gaaro bisha 5aad ee sanadka 2017, waa sida lagu xusay warbixino dawlada dalkaasi Jermalku leedahay.

 

"Baarlamaanka dalkaa ayaa go'aansaday inuu dheereeyo mudadaBundeswehr [ciidanka Jermalka] ee burcad badeeda kuwajahayay biyaha badda ee Soomaaliya iyo in [sidoo kale] la taageeroMali," Steffen Seibert oo ah afhayeenka dawlada Jermalka ayaa sidaa yiri.

 

Bundeswehr oo ah magac kale oo loogu yeero ciidanka Jermalka waxay roondo ilaalin ah ka wadeen badda Soomaaliya si maraakiibta ganacsiga ay uga badbaadiyaan burcad badeeda tan iyo sanadkii 2008.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip