Faah Faahin: Duqeyn diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ka geysteen Koofurta Somaia

0
Wednesday April 13, 2016 - 14:21:44 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 936
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin: Duqeyn diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ka geysteen Koofurta Somaia

    Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegtay in weerar cusub oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drone lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab deegaano ka tirsan Jubooyinka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegtay in weerar cusub oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drone lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab deegaano ka tirsan Jubooyinka.

Afhayeen u hadlay Pentagon-ka Mareykanka ayaa sheegay in duqeymaha ay dhaceen Isniintii iyo Talaadadii, lana bartilmaameed labo goobood oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in 12 ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay duqeymaha oo ka kala dhacay deegaanada Yoontoy iyo deegaanka Cabdalla Biroole oo duleed ka xiga magaalada Kismaayo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in duqeyntii habeen hore ka dhacday deegaanka Yoontoy ay waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah.

Duqeymahan uu Mareykanka ka geysanayay deegaano ka tirsan Jubbooyinka ayaa ahaa kuwo xiriir ahaa tan iyo bishii hore, waxaana meelaha la bartilmaameedsaday ka mid ahaa deegaanada Kamsuuma, Jilib iyo kuwa kale

Weerarda ay fuliyaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ayaa muddooyinkii u dambeeyay soo kordhayay, waxaana lagu dilay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip