Wasiir Diini haloo wada istaago dhismaha isku dhafka Ciidanka qaranka

0
Wednesday April 13, 2016 - 09:11:31 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1099
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Diini haloo wada istaago dhismaha isku dhafka Ciidanka qaranka

    Wasiirka Difaaca Dowlada Federaalka S/Gaas Cabduqaadir Shiikh Cali Diini ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsadey in ay la shaqeyaan ciidamada qaranka ayna gacan siiyaan is meesha looga saaro cadowga al-shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Difaaca Dowlada Federaalka S/Gaas Cabduqaadir Shiikh Cali Diini ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsadey in ay la shaqeyaan ciidamada qaranka ayna gacan siiyaan is meesha looga saaro cadowga al-shabaab.

S/Gaas C/qaadir Sh Cali Diini ayaa waxa uu alle ugu baryay shahiidiintii ku shahiidey difaaca qaran ee ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed isagoona Alle ugu baryay inuu caafimaad deg deg ah alle siiyo kuwa hada dhaawaca ah.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukumada Fadareelka Soomaaliya ayaa dhanka kale waxa uu mahad celin usoo jeediyay Dowladihii ka qeyb qaatey la dagaalanka kooxaha argexesada ama dowladihii ka qeyb qaatey dhismaha ciidanka xooga dalka

Ugu dambeytii Wasiirka Gaashaandhiga Xukumada Fadareelka Soomaaliya ayaa madaxda dowlada iyo kuwa maamul goboleedyada ka jira dalka ugu baaqey in ay ka qeyb qaataan dhismaha isku dhafka ciidanka qaranka waxa uuna ku sheegey hadii aan loo wada istaagin dhismaha ciidanka qaranka aan jirin cid dhiseeso ciidanka





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip