Madaxweynaha oo ka qeyb galey Xuska 56 Guuradiid kasoo wareegatey Aas aaska Ciidanka Xooga Dalka

0
Tuesday April 12, 2016 - 15:29:02 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1952
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha oo ka qeyb galey Xuska 56 Guuradiid kasoo wareegatey Aas aaska Ciidanka Xooga Dalka

    Munaasabadaan oo looga dabaal dagayay aas aaska Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed oo ku beegan 12 april ayaa maanta lagu qabtey Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabadaan oo looga dabaal dagayay aas aaska Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed oo ku beegan 12 april ayaa maanta lagu qabtey Magaalada Muqdisho.

Munaasabada ayaa waxaa ka qeyb galey Madaxweynaha Jamuuriyada Fadareelka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada qalabka Sida Mudane Xasan Sheikh Maxamuud Reysal wasaare ku xigeynka dalka gudoomiye ku xigeynka gobolka banaadir dhinaca Aminiga iyo siyaada wasiiro ka tirsan xukumada fadareelka soomaaliya Madaxweynahasha Maamul goboleedyada ka jira Gudaha dalka taliyaasha ciidamada qalabka sida iyo saraakiil kala socotey midowga Africa iyo midowga yurub.

Madaxweynaha Jamuuriyada Fadareelka Soomaaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud ayaa salaan sharaf ka qaatey Cutubyo ka tirsan Ciidanka xooga dalka Soomaaliya iyo kooxda kubada cagta ee horseed iyagoona halkaasi kusoo bandhigey dhoolo tus malatari.

Fanaaniinta kooxda Horseed ayaa munaasabada kusoo bandhigey Sugaan iyo majaajilo ay kawada heleen dadkii kasoo qeyb galey munaasabada.

Taliyaasha Ciidamada Booliska Asluubta iyo Nabad sugida ayaa ugu hambalyeeyay Ciidanka xooga dalka Soomaaliya iyagoona sheegey in ay ciidamada Xooga dalka Soomaaliya ay gaareen guulo.

Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya S/Gaas Maxamed Aadan Ahmed ayaa waxa uu tilmaamey ciidanka xooga dalka soomaaliyed ay sii bacsanayaan maleyshiyada kooxda al-shabaab waxa uuna Xusey saakey ay la wareegeen degaanka Budbud waxa uuna hambalyo u direy dhamaan ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.

 

Wasiirka Gaashaandhiga Xukumada fadareelka Soomaaliya S/Gaas C/qaadir Sh Ali Diini ayaa waxa uu munaasabada tacsi ugu direy Saraakiishii ku geeriyootey iyagoo dalkooda xureeynayo waxa uu beesha caalamka iyo dowlada ka codsadey in la qalabeeyo ciidanka xooga dalka soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamuuriyada Fadareelka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ka Hadley muhiimada ciidanka xooga dalka oo u leeyahay dalka isagoo ugu hamablyeeyay 56 guuradii kasoo wareegatey aas aaskooda

Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sidoo kale waxa uu ka Hadley mushaaradka ciidamada qalabka sida waxa uuna sheegey in ciidamada ay qaataan mushaaraadkooda

Madaxweynaha Jamuuriyada fadareelka Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay guulaha is daba jooga ah ay ciidamada xooga dalka Soomaaliya ay ka garayaan kooxaha sharwadayaasha al-shabaab

12 Bishii April 1960 ayaa la Aas aasey Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya waana ciidan u taagan in ay cadowga ka difacaan Dalka.



IMG_0497IMG_0747IMG_0748

IMG_0500IMG_0504IMG_0505IMG_0518IMG_0521IMG_0522IMG_0523IMG_0531IMG_0533IMG_0535IMG_0552IMG_0553IMG_0554IMG_0555IMG_0571IMG_0572IMG_0574IMG_0575IMG_0579IMG_0584IMG_0585IMG_0593IMG_0633IMG_0635IMG_0636IMG_0637IMG_0638IMG_0639IMG_0640IMG_0641IMG_0642IMG_0643IMG_0644IMG_0665IMG_0666IMG_0668IMG_0669IMG_0673IMG_0682IMG_0685IMG_0688IMG_0728IMG_0731IMG_0733IMG_0734IMG_0737IMG_0740IMG_0741IMG_0742IMG_0765IMG_0772IMG_0776IMG_0778IMG_0781IMG_0803IMG_0805IMG_0810IMG_0812IMG_0818IMG_0820IMG_0822IMG_0824IMG_0850IMG_0854IMG_0855IMG_0857IMG_0859IMG_0861IMG_0862IMG_0863IMG_0864IMG_0865IMG_0915IMG_0916IMG_0922IMG_0932IMG_0939IMG_0948IMG_0971IMG_0974IMG_0980IMG_0982IMG_1012IMG_1014IMG_1015IMG_1016IMG_1020IMG_1029IMG_1034IMG_1036IMG_1043IMG_1050IMG_1058IMG_1062IMG_1063IMG_1065IMG_1072IMG_1074IMG_1080IMG_1085

Sawir Qaade:- Qadar Cali Nuur

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip