Munaasabad lagu xusayo 56 Guuradii kasoo wareegatey aas aaska Ciidanka Xooga dalka

0
Tuesday April 12, 2016 - 08:38:28 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 879
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Munaasabad lagu xusayo 56 Guuradii kasoo wareegatey aas aaska Ciidanka Xooga dalka

    Munaasabado lagu xusayo maalinta ciidanka xoogga dalka ee 12-ka April ayaa maanta laga xusayaa magaalada Muqdisho, iyadoo tan iyo shalay magaalada laga dareemayay diyaar garowga loogu jiro xuska.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabado lagu xusayo maalinta ciidanka xoogga dalka ee 12-ka April ayaa maanta laga xusayaa magaalada Muqdisho, iyadoo tan iyo shalay magaalada laga dareemayay diyaar garowga loogu jiro xuska.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo saaka ay xiran yihiin wadooyin badan oo la dhigay ciidamo aad u fara badan.

Xirnaanshaha wadooyinka ayaa saameyn ku yeeshay isu socodka dadweynaha, waxaana ardaydii saaka u kalihi laheyd iskuulada hakad ku yimid, halka qaarna la arkayay, iyagoo lugahooda maalaya.

Sidoo kale xirnaanshaha saaka ee wadooyinka ayaa waxay sameyn ku yeelatay goobo ganacsi ku yaalla hareeraha wadooyinka, iyadoo gaadiidkii dadweynaha iyo kuwa gaarka ah saaka aanay meelaha qaar shaqeyneyn.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa la filayaa inay dhoolatus iyo gaada ka ciyaar ku soo bandhigaan xuska aas aaska ciidamada xoogga dalka ee ka soo wareegatay 56-guuradii.

Munaasabada ayaa ka dhici doonta xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, halkaasoo Madaxda dowladda iyo qaar ka mid ah kuwa maamul goboleedyada ay ka qeyb geli doonaan, sidoo kale Saraakiil ka tirsan AMISOM iyo kuwa kale ayaa ka qeyb geli doona.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip