
Wasiirka Gaashaandhigga oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Dalka Masar
Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan kula qaatay magaalada Qaahira Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Jeneraal Cabdimajiid Saqr, iyo saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Qalabka Sida ee Masar.
Kulankaasi wuxuu diiradda saaray xoojinta iskaashiga milatari ee u dhexeeya labada dal iyo taageeridda dadaallada lagu horumarinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyey dowladda Masar kaalinta muuqata ee ay ka qaadanayso horumarinta nabadda iyo xasilloonida, isagoo xusay in labada dal ay wadaagaan aragti mideysan oo ku aaddan danaha istaraatiijiyadeed iyo kuwa ay wadaagaan.
Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga Masar ayaa muujiyey diyaar u ahaanshiyaha dalkiisa ee ku aaddan xoojinta iskaashiga milatari ee labada dal, wuxuuna sidoo kale xaqiijiyey in ciidamada Masar ee qaybta ka noqonaya Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ay dhawaan tegi doonaan Soomaaliya.
Wasiirka Gaashaandhigga oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Dalka Masar
Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan kula qaatay magaalada Qaahira Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Jeneraal Cabdimajiid Saqr, iyo saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Q