Ciidamadda Macawiisleeyda oo Deegaanka Guullane Ku Dilay Horjoogayaal Khawaarijta Katirsan.

0
Thursday July 03, 2025 - 19:03:45 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 48
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamadda Macawiisleeyda oo Deegaanka Guullane Ku Dilay Horjoogayaal Khawaarijta Katirsan.

    Ciidamada geesiyaasha deegaanka ee Macawiisleyda ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Guullane ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ku dilay laba horjooge

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada geesiyaasha deegaanka ee Macawiisleyda ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Guullane ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ku dilay laba horjooge
oo katirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta.

Labada horjooge ee lagu dilay howlgalka ayaa kala ah Cali Xabad iyo Maxamed Cadow, kuwaasoo door muuqda ku lahaa hagidda falalka argagixisanimo ee gobolka.

Sidoo kale, waxaa lagu dilay tiro kamid ah maleeshiyaadkii lasocday, halka kuwo kalena ay si fara cidi ah uga fakadeen. Ciidamadu waxay gacanta ku dhigeen hub ay wateen Khawaarijta.

Howlgalkan guusha leh ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta, iyadoo ciidamada deegaanka ay markale muujiyeen geesinimo, feejignaan iyo waddaniyad ay ku difaacayaan dalkooda hooyo.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip