Wasiirrada Difaaca Soomaaliya iyo Qatar oo Kulan Xasaasi ah ku yeeshay Doha

0
Monday June 16, 2025 - 18:04:49 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 601
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirrada Difaaca Soomaaliya iyo Qatar oo Kulan Xasaasi ah ku yeeshay Doha

    Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan rasmi ah kula qaatay magaalada Doha ee dalka Qatar, Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gaashaandhigga Dawladda Qatar,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan rasmi ah kula qaatay magaalada Doha ee dalka Qatar, Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gaashaandhigga Dawladda Qatar,
 Mudane Sheekh Saacad bin Cabdiraxmaan bin Xasan Aal Thaani.
Labada Wasiir ayaa ka wadahadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac ee dhanka difaaca iyo sidii kor loogu qaadi lahaa dadaallada lagu dhisayo awoodda ciidan ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil sare oo ka tirsan Wasaaradaha Gaashaandhigga ee labada dal, waxaana kulanka lagu adkeeyay xiriirka xooggan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, iyo sida ay uga go’an tahay labada dhinac horumarinta nabadda iyo amniga gobolka.

Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Qatar taageerada joogtada ah ee ay la garab taaganyihiin dadaallada loogu jiro nabadeynta iyo xasillinta Soomaaliya.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip