WAR-SAXAAFADEED Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe

0
Wednesday June 11, 2025 - 23:16:18 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 55
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAR-SAXAAFADEED Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe

    Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka ayaa Buurta Cadayga oo ku taala deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka ayaa Buurta Cadayga oo ku taala deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe
  ka fuliyay howlgal si gaar ah loo qorsheeyay oo lagu dilay Ilaa iyo 13 xubnood oo isugu jira horjoogeyaal iyo maleeshiyaadka ka tirsan Khawaarijta, halka tiro kalena lagu dhaawacay.
Howlgalka ayaa si gaar ah loogu beegsaday goob ay Khawaarijtu isku uruursanayeen, iyaga oo halkaasi ka abaabulayay dhagaro ay la damacsanaayeen shacabka deegaanka.
Inta uu socday howlgalkan waxaa sidoo kale lagu burburiyay saanad hub ah oo khawaarijta ugu diyaarsaneed halka uu ka dhacay howlgalka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaysa shacabkeeda geesiyaasha ah iyo Saaxiibada Caalamka waxaa ka go’an in gebi ahaanba la ciribtiro Khawaarijta, lana sugo amniga guud ee dalka, si shacabka Soomaaliyeed ugu noolaadaan nabad iyo xasillooni waarta.
-DHAMMAAD-



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip