Taliyaha Ciidanka Booliiska Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed oo La Kulmay Saraakiisha Amniga Baydhabo
Taliyaha Ciidanka Booliiska Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, G/le Sare Cabdi Ibraahim Shaamow (Cabdi Dheere), ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay saraakiisha iyo qeybaha kala duwan ee Booliiska ku sugan magaalada Baydhabo.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Taliska Booliiska, ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Taliyaha Qeybta Guud ee Gobolka Baay iyo Taliyaha Saldhigga Booliiska Degmada Baydhabo.
Taliyaha ayaa sidoo kale ammaan u jeediyey ciidamada qalabka sida ee heegan ugu jira sugidda amniga shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo si nabad ah u ciiday munaasabadda Ciidul Adxaa. Waxa uu ku bogaadiyey geesinimada iyo kartida ay u leeyihiin difaaca dadkooda iyo dalkooda.