Taliyaha Guutada 10-aad oo Dhiirrigelin u Sameeyay Ciidamada Baladxaawo

0
Tuesday June 10, 2025 - 11:07:50 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 26
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Guutada 10-aad oo Dhiirrigelin u Sameeyay Ciidamada Baladxaawo

    Taliyaha Guutada 10-aad ee Qaybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Col. Cismaan Sheikh Cabdi Qorax, ayaa booqday Taliska Ururka 27-aad ee ku sugan degmada Baladxaawo, .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Guutada 10-aad ee Qaybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Col. Cismaan Sheikh Cabdi Qorax, ayaa booqday Taliska Ururka 27-aad ee ku sugan degmada Baladxaawo, . halkaas oo uu uga jeediyay khudbad dhiirrigelin iyo amaro ku saabsan ilaalinta shacabka iyo la dagaalanka argagixisada AS
Taliyaha ayaa ciidamada ku bogaadiyay heeganka iyo geesinimada ay muujiyeen, isagoo xusay in waajib qaran uu ka saaran yahay difaaca shacabka Baladxaawo. Wuxuu sheegay in laga doonayo in ay u diyaar garoobaan howlgallo qorsheysan oo lagu ciribtirayo haraadiga argagixisada.
Col. Qorax wuxuu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in amniga deegaanka si buuxda loo sugo, isagoo ballan qaaday in hoggaanku garab taagan yahay ciidamada, kana shaqeyn doonaan dhanka hormarinta si howlgalladu u guuleystaan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip