Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo soo xiray tababar kusaabsan sare uqaadida xirfadaha Shaqaalaha Wasaaraad

0
Wednesday June 23, 2021 - 20:00:43 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 420
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo soo xiray tababar kusaabsan sare uqaadida xirfadaha Shaqaalaha Wasaaraad

    Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta shaqaalaha Wasaaradda Gaashaandhigga u soo xiray Tababar Muddo Shan maalin ah u socday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta shaqaalaha Wasaaradda Gaashaandhigga u soo xiray Tababar Muddo Shan maalin ah u socday.

Tababarkan ayaa ku saabsanaa sare u qaadidda xirfadda Hoggaamineed iyo Wada-shaqeynta Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda Gaashaandhigga .

Munaasabadda lagu soo xirayay tababarka waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo xubno kale oo uu qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaann ee la dagaallanka Musuqa Mudane  Abuukaate  Maxamed Xuseen Xaamud .

Ugu horreyntii Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha iyo Tababarada Wasaaradda Cabdiraxmaan Sheekh Axmed ayaa tilmaamay in muddadii uu Tababarka socday shaqaalaha si wanaagsan ay ugu faa’iideysteen.

Sidoo kale Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Gaashaaandhigga Cali Aadan Xasan oo kulanka ka hadlay ayaa soo dhaweeyay Mas’uuliyiinta kulanka ka soo qeyb galay, isagoo xusay in hoggaaminta suuban ee mas’uuliyiinta Wasaradda Tababarkan ay suura-gelisay.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Xasan Maxamed Saciid Samatar (Gacaliye) ayaa sheegay in u jeedka laga leeyahay tababaradan ay tahay horumarinta tayada shaqada iyo sare u qaadidda Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda.

Guddoomiyaha Guddiga  la dagaallanka Musuqa Maxamed Xuseen Xaamud ayaa ku ammaanay mas’uuliyiinta Wasaaradda sida ay ugu go’antahay horumarinta shaqaalaha, waxaana uu sheegay in arintan ay yareyneyso Musuqa  .

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa tilmaamay in ay ka go’antahay horumarinta iyo tayeynta shaqaalaha Wasaaradda Gaashaandhigga, isagoo xusay in aqoontii ay ka faa’iideen tababarkan bulsahada iyo Wasaaradda  ay ugu adeegaan.

           




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip