Hay'adda NISA oo shaaca ka qaaday in 'awoodda laga wareejiyey' Horjoogihii Maleeshiyaadka Al-Shabaab,

0
Saturday August 29, 2020 - 22:45:20 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 596
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'adda NISA oo shaaca ka qaaday in 'awoodda laga wareejiyey' Horjoogihii Maleeshiyaadka Al-Shabaab,

    Hay'adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in awoddii laga wareejiyey horjoogihii maleeshiyaadka Al-Shabaab Axmed Diiriye oo loo yaqaan Abu Cubeyda, sababo caafimaad dartood.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in awoddii laga wareejiyey horjoogihii maleeshiyaadka Al-Shabaab Axmed Diiriye oo loo yaqaan Abu Cubeyda, sababo caafimaad dartood.
Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta Twitter-ka NISA ayaa lagu sheegay in Axmed Diiriye lagu beddelay oo awooddii kooxda argagixisada loo gacangeliyay ku-xigeenkiisa  Abuukar Aadan.

"Sababo caafimaad awgeed, ayaa awoodii horjoogaha Maafiyada AS si KMG ah loogu wareejiyey abukar Adan, oo ah ku xigeenkiisa, waxaana loolan culus ka dhaxeeyaa garabka Mahad Karateey iyo garabka Diiriye oo ku hardamaya sidii loo magacaabi lahaa horjooge cusub,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Hay’adda Nabd-Sugidda iyo sirdoonka qaranka ayaa horey ushaacisay khilaaf iyo loolan inuu ka dhex-oogan yahay horjoogayaasha Al-Shabaab.

10-kii March ayey NISA sheegtay in magaalada Bu’aale "lagu dilay Muuse Macalin, oo horay isaga casilay madaxii Amniyaatka Al-Shabaab ee gobolka Banaadir, sidoo kalena xabsiga loo taxaabay madaxa hawlgalinta Amniyaatka gobolka Banaadir, Cumar Maxamed.”

3-dii Febraayo NISA waxay sidoo kale sheegtay in Axmed Diiriye uu "Mahad Karataay iyo Bashir Qorgaab ka saaray golaha fulinta kooxda argagixisada al-shabaab, kana xayuubiyay dhamaan xilalkii ay kahayeen kooxdaasi argagixisada.” Bashiir Qoorgaab ayaa markii dambe Mareykanka ay sheegeen inay duqeyn ku dileen.

 

 









Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip