
Madaxweynaha oo soo dhoweeyay dhismaha Baarlamaanka Maamulka KMG ah ee Jubba
War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in dhismaha Baarlamaankan uu yahay mid qeyb ka qaadanaya hirgelinta nidaamka federaalka.
"Waan soo dhoweynayaa tallaabada horay loo qaaday ee dhismaha baarlamanka maamulka Jubba, Waxay tani ka tarjumeysaa sida ay inooga wada go’an tahay dhameystirka nidaamka federaalka ee dalkeena”ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in hanaan walba oo la dhaqan gelinayo ay la soo gudboonaato caqabado iyo cabashooyin ay dadku muujiyaan, balse muhimaddu ay tahay in la helo nidaam, kadibna la xaliyo murannada iyo cabashooyinka jira.
"Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay Maamulka KMG ee Jubba kala shaqeyso sidii loo xalin lahaa cabashooyinka ka dhashey hanaanka xulista baarlamanka ee maamulka, waxaana ujeedku uu yahay in beel kasta ay hesho saamiga ay xaqa u leedahay, baarlamankanina uu noqdo mid dadka oo dhan ay iska wada arkaan”ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ugu baaqey dhammaan bulshada Soomaaliyeed inay gacan ka geystaan barnaamijyada lagu hirgelinayo hanaanka federaalka iyo sugidda amniga dalka.
Beelo badan ayaa ka cabanayay hab qeybsiga baarlamaanka Maamulka Jubba iyo sida beelo badan xaqooda la duudsiiyay, waxaana ay ku eedeeyeen Axmed Madoobe in kuraasta ugu badan uu siiyay beesha uu u dhashay.
Madaxweynaha oo soo dhoweeyay dhismaha Baarlamaanka Maamulka KMG ah ee Jubba
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay dhismaha baarlamanka maamulka ku meel gaarka ee Jubba oo dhowaan looga dhawaaqey magaalada Kismaayo.