Ciidamada Xooga Dalka oo wax wayn ka badalay aminiga G/Hiiraan

0
Monday April 27, 2015 - 09:51:34 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1467
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Xooga Dalka oo wax wayn ka badalay aminiga G/Hiiraan

    Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan ayaa sheegay in amniga gobalka uu yahay mid wanagaasan, tasoo ka dambeysay wada shaqeynta ka dhaxeysa shacabka, ciidamada Xooga Dalka, amniga iyo kwua AMISOM ee gobalkaasi ku sugan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan ayaa sheegay in amniga gobalka uu yahay mid wanagaasan, tasoo ka dambeysay wada shaqeynta ka dhaxeysa shacabka, ciidamada Xooga Dalka, amniga iyo kwua AMISOM ee gobalkaasi ku sugan.

Cabdifataax Xasan Afrax Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo la hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in shacabka iyo ciidanka ay isdhex marayaan, isla markaana aysan jirin dadka meelo gaar ah oo laga celinayo, isagoo xusay in wada shaqeynta ay keentay in la xoojiyo isdhexgalka bulshada gobolka.

"Waxaan dhihi karaa shacabka iyo ciidanka AMISOM waxaa ka dhexeeya wada shaqeyn buuxdo, ciidanka Jabuuti iyo kuwa Ethiopia ee gobolka ku sugan ma jiraan wax dhib ah oo ay ku qabaan bulshada, tan kalena ciidamada dowladda waxa ay yihiin kuwa inta badan la shaqeeya shacabka, tani waxa ay noo tahay guul u soo hooyatay bulshada wada degan gobolka Hiiraan” ayuu yiri Guddoomiyuhu.

Mudane Cabdifataax ayaa ka codsaday shacabka gobolka ku nool inay xoojiyaan wada shaqeynta kala dhexeysa ciidamada isku dhafka ah, si looga hortago falalka ay maleegayaan dhagar qabayaasha kooxda Shabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip