
XOOGGA DALKA, XOOGGA DALKA XAMDIGAA LEH
XOOGGA DALKA, XOOGGA
DALKA XAMDIGAA LEH
"HOWLGALKA
BADWEYNTA HINDIYA"
Ummadda Soomaliyeed, muddo hadda ku dhow rubac
qarni ayey ku soo jirtay
burbur,
karaamo darro, bahdil, waxayna safka hore ka gashay aadanaha aan
magacooda
adduunweynuhu wax wanaagsan u nisbeyn.
In badan oo akhyaarta qoraalkeygan koobani
gaarayo, waxaan rumeysanahay
inay ila
qaadanayaan, in sababaha taas Soomaaliya baday ay ku soo arooreyso
qaran
dunkii iyo aafooyinkii aan gacmaheenna qiyamkii inaga dhexeeyey ku
wareennay.
Tiirarka qaran uu ku muteysto , sharaf iyo
xushmad, qaddarin iyo la
macaamil
miisaan leh, waxa ka mid ah, awooddiisa dhaqaale iyo CIIDAN!
Soomaaliya,
maanta labadaas qodobba kuma ammaanna, sababaha aan kor ku soo
xusay
awgood.
Dadaal, is canaanasho iyo rabitaan ummadeed
kaddib, waxa maanta abuurmay
cudud
Ciidan Qaran oo curdan ah, leh cilladaheeda, haseyeeshee soo koreysa,
leh
dhaliilaheeda, haseyeeshee niyad wanaageedu muuqdo, leh caqabadaheeda,
haseyeeshee
rabitaanka ka gudubkeedu sarreeyo.
Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxay
safafka hore ee dib u xoreynta
iyo la
dagaallanka argagixisada ee hadda ka socda gobollada dalka qaarkood
ay ka
muujiyeen, geesinimo, waddaniyad sareysa iyo inay kaga dhabeeyaan
ballantii
ay ummaddooda ugu qaadeen, inay difaacooda iyo xaqiijinta
sharaftooda
, dalkooda iyo diintooda, naftooda qaaliga ah u hurayaan!
Marar badan ayey qeybaha kala duwan ee bulshada
Soomaaliyeed, farriimo
culculus,
dhaliilo garowsho leh iyo canaanba u gudbiyeen Ciidamadamadeenna
Qaran.
Qeyladhaantaas, bulshadu waxay ku tirtirsiineysay Mas'uuliyiinta
Qaranka
iyo Madaxda Ciidamada, inay dulliga ka kor qaadaan, dhaartoodiina
kaga
dhabeeyaan.
Haddaba, Howlgalka "BADWEYNTA
HINDIYA", waxuu Ciidanka Qarankuku
qorsheytay,
inuu baroorta shacabkooda aamusiyo, boogahooda dhayo,
dhiiggoodana
u daadiyaan sidii shacabku nolosha iyo xorriyadda uu xaqa u
leeyahay
ugu naaloodaan.
Dhanka
kalase, waxa isweydiin mudan:
1. Difaaca dalka iyo jiritaanka
qarameed ma waajib ku kooban dowlad iyo
ciidan
kali ahbaa?
2. Haddii ay Ciidmadu safafka hore
ee dagaalka ciidameed galeen:
· Yaa laga rabaa inay
galaan, dagaalka, maskaxeed;
· kan borobogaando;
· dagaalka dhirrigalineed ee
Ciidanka;
· kan
dibolomaasiyadeed iyo
· Dagaalka taakuleyn?
Haddaan agagtideyda u meelo dayo jawaabaha
su'aalahan, waxaan qeybaha
bulshadeyda
iyo ummaddeyda, cod dheer ugu yeerayaa, in ka wada qeybgalka
dagaalka
socdaa yahay waajib wadareed, iilamana muuqato in la joogo xilli
fara isku
fiiq-fiiq, isku fiirsasho iyo is gaad-gaad, cabsi iyo hagrasho.
Waxa la taagan yahay waqtigii aan safafkeenna
mideyn laheyn, af iyo addinna
isugu
geyn laheyn, xaqiijinta dib ula soo noqoshada karaamadeenna iyo
jiritaankeenna
qarameed iyo ummadeed. Waxa inala gudboon, inuu qofkastaa
fiidkii
markuu sariirtiisa tago isweydiiyo, wixii uu maanta ku soo darsaday
halganka
ummadeed iyo xoreynta dalka ee wiilasheenna iyo gabdhaheenna
Ciidamadu
geerida, dhaawaca, bacadka, qabowga, roobka gaajada iyo harraadka
ugu
bareereen.
Qeybaha bulshada
umaddani, waxay kala leeyihiin doorarkooda, qeyb kastana
taariikhda
ayey u gali doontaa dhaqanka, ficilka iyo calaamadaha ay maanta
bixiyaan,
waxaana qeyb kasta diiwaanka ummadeed u gali doona waxay qortaan.
Waxaan qoraalkeygan oo ah daandaansi qalinleyda
Soomaaliyeed (Maxay la
aamusan
yihiin) ku soo gabagabeynayaa murtida Soomaaliyeed ee tibaaxeysa:
"BARBARKEY KA BAXDAA, WAA BAKEYLA QALEEN"
Qalinkii Hon. Gen. Bashir Mohamed Jama
XOOGGA DALKA, XOOGGA DALKA XAMDIGAA LEH
"HOWLGALKA BADWEYNTA HINDIYA" Ummadda Soomaliyeed, muddo hadda ku dhow rubac qarni ayey ku soo jirtay burbur, karaamo darro, bahdil, waxayna safka hore ka gashay aadanaha aan magacooda adduunweynuhu wax wanaagsan u nisbeyn.