Wasaarada amniga oo ka digtay weeraro ku soo wajahan iskuulo, masaajido iyo goobaha bulshadu ku kulanto

0
Sunday April 26, 2015 - 08:28:56 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1395
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaarada amniga oo ka digtay weeraro ku soo wajahan iskuulo, masaajido iyo goobaha bulshadu ku kulanto

    Afhayeenka wasaarada amniga Gudaha Soomaaliya Maxamed Yuusuf Cismaan oo maanta Shir jiraa'id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Xarakada Al-Shabaab ay qorsheynayso Weeraro ay ku qaadaan xaruumo Muhiim ah oo ku yaala Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenka wasaarada amniga Gudaha Soomaaliya Maxamed Yuusuf Cismaan oo maanta Shir jiraa'id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Xarakada Al-Shabaab ay qorsheynayso Weeraro ay ku qaadaan xaruumo Muhiim ah oo ku yaala Magaalada Muqdisho. Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in Al-shabaab ay Diyaariyeen Weeraro ay ku qaadayaan Goobaha Bulshadu ku kulanto oo kala ah Masaajidyada, Xarumaha Waxbarashada, Isbitaalada iyo Suuqyada.

"Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqeynaa inay Foojignaadaan isla markaana ay ka digtoonaadaan Weeraradaas ay Al-shabaab maleegayaan" ayuu yiri Maxamed Yuusuf

Laamaha Amaanka dalka ayuu sheegay inay ku jiraan Heegan buuxa si looga hortago weerarada ay Al-Shabaab qorsheynayaan wuxuuna shacabka ugu baaqay iney ciidanka amaanka ee ugu dhow wargeliyaan hadii ay la kulmaan dad ama waxyaabo kale oo ay ka shakiyaan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip