Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida oo Xukuno dil iyo Xabsi ah ku riday rag katirsan UGUS.
Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Dowlada Soomaaliya ayaa maanta xukuno isugu jira dil iyo xarig waxa ay ku riday rag la sheegay in ay katirsan yihiin Dagaalamayasaha Xarakada Al-Shabaab Maxkamadda oo u fadhiisatay dacwad ciqaabeed loo haystay afar eedeysane oo xeer ilaalintu ku eedeysay inay ka tirsanyihiin Al-Shabaab, isla markaana ay u qaabilsanaayeen dilalka qorsheysan ee magaalada Muqdisho ka dhaca, ayaa lagu kala magacaabaa, Cabdiqani Bashiir Axmed, Axmednuur Maxamed, Maxamed Bootaan Shidane iyo Yuusuf Maxamed Fiidow.
Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiramaan Aadan oo ah kaaliyaha Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa sheegay in taariikhdu markay aheed 22.4.2015 ay Maxkamadda darajada kowaad ee ciidamada qalabka sida u fadhiisatay dacwad ciqaabeed loo kala heystay afarta eedeesane.
Maxkamada ayaana xukun dil ah ku riday labo kamid ah eedeesanayaasha oo kala ah Cabdiqani Bashiir Axmed iyo Axmednuur Maxamed, waxaana ragan lagu eedeeyay in ay dil u geesteen marxuum Guuleed Maalin Maxamed oo ka tirsanaa ciidanka ilaalinta deegaanka Xamar.
Waxaa sidoo kale Maxkamada Ciidamada xukun xabsi ah oo gaaraya 15-sano ku riday Maxamed Bootaan Shidane , waxaana Dowladu la wareegtay hub ninkan lagu soo qabtay oo ahaa 3-qori AK47 iyo hal qori oo nuuca RPG ah.
Ugu dambeyntii Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa amartay in dhaqan celin lagu sameeyo Yuusuf Maxamed Fiidow oo Maxkamd sheegtay in ay ku cadaatay in uu xubin ka ahaa Dagaalamayaasha Xarakada Al-Shabaab.

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Dowlada Soomaaliya ayaa maanta xukuno isugu jira dil iyo xarig waxa ay ku riday rag la sheegay in ay katirsan yihiin Dagaalamayasaha Xarakada Al-Shabaab