Madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtay

0
Saturday April 25, 2015 - 14:30:49 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1559
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtay

    Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaamminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii socdaal shaqo uu ku tagay dalalka Jordun iyo Turkiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaamminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii socdaal shaqo uu ku tagay dalalka Jordun iyo Turkiga.

"Dalka Jordan waxaan uga qeyb galnay arrimo la xiriira amniga iyola dagaallankakooxahan xagjirka ah ee (dhibaatada ka wada) gobolkan geeska Afrika, oo ay isugu yimaadeen madaxda gobolka…..Waxaa looga hadlay ammniga sida loo sugi karo iyo argagixisada gobolka” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in waddanka Turkiga uu uga qeyb galay munaasabad taariikhi ah oo uu waddankaasi leeyahay, isagoo sidoo kale kulan la yeeshay madaxweynaha dalka Turkiga Rajeb Dayib Erdogan oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dalka iyo dib u dhiska waddanka.

"Waxaan kulan gaar ah la yeellanay madaxweynaha dalka Turkiga oo aad ogtihiin cilaaqaadka Turkiga iyo Soomaaliya ka dhaxeeya halka uu marayo sida loo sii xoojin lahaa, arrimaha maalgashiga dalka ku saabsan iyo arrimaha dib u dhiska dalka ku saabsan(ayaan ka wada hadalnay), arrintaasi aad ayay yididiillo u lahayd”.

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in horumar badan uu dalka ka jiro ayadoo dowladdu ay ku howlan tahay sugidda ammaanka oo ay ku jirto la dagaallanka Al-Shabaab iyo dhisidda dowladnimada oo ay qeyb ka tahay hirgalinta hannaanka Federaalka ah oo gobollada lagu baahinayo awoodda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip