Raysal Wasaare cumar C/rashiid oo rajo ka muujiyay in dib loo furayo Xawaaladaha Dowlada Kenya xayirtay.

0
Saturday April 25, 2015 - 08:26:18 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1206
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaare cumar C/rashiid oo rajo ka muujiyay in dib loo furayo Xawaaladaha Dowlada Kenya xayirtay.

    Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in Kenya uu kala hadlay sidii dib loogu furi lahaa shirkadaha Xawaaladaha oo dad badan oo Soomaali ah ay ku tiirsan yihiin kuwaas oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in Kenya uu kala hadlay sidii dib loogu furi lahaa shirkadaha Xawaaladaha oo dad badan oo Soomaali ah ay ku tiirsan yihiin kuwaas oo dowladda Kenya ay rukhsadaha kala laabatay weerarkii Jaamacadda Gaarisa ay Al-shabaab ku dinleen 148 ruux.

Al Shabaab ayaa ciidanka xooga dalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika waxaa ay ka saareen magaalooyin waa weyn iyo xeebaha oo ay ku xooganaayeen sanadkii la soo dhaafay howlagaladii la sameeyay.

Laakiin Kooxdu wali waxay isku dayaysaa in ay meesha ka saarto dowladda caalamku  taageero, balse waxaa ay kooxdu ku xoogan tahay deegaano ka tirsan jubooyinka halkaasi oo fadhiisan weyn u ah Ciidanka Kenya ee qeybta ka ah AMISOM.

"Waxaa jira deegaano wali ay ku dhuumaaleysanayaan,sidoo kalena waxaa jira dadaalo looga saarayo goobahaasi oo sanadihii u dambeeyay ay ku sugnaayeen” ayuu ku yiri Sharmarke wareysi uu siiyay Reuters.

Hase yeeshee ma sheegin waqtiga ay bilaabanayaan howlgaladaasi.

In meeshiyada alshabab laga difaaco Kenya oo Soomaaliya dhinaca koofureed deris kala ah ayaa hadda wada dhise gidaar Amni oo ay ku jirto dhisme cusub oo laga ilaalin doono amaanka iyo nabadgeliyada xuduuda dalka Kenya,waxaana uu Ra’iisul wasaare Sharmarke uu sheegay tani ay tahay mid wax ka taraya amniga.

” Waa in aan buuxinaa meelaha baran oo kooxdu gabaadka u ah halkii aan dherbi ku kala xiri laheyn qoysaska iyo bulshada inteeda kale sameyn laheyn” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Sharmarke kadib markii uu kulan la yeeshay Wasiirka Arimaha dibadda ee Kenya Amina Maxamed.

Ra’iisu wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Kenya ay hadda wado shuruuc lagu maamuli doono shirkadaha Xawaaladaha Soomaaliya kaas oo fududeyn doono dib u howlgelinta Xaawalada, waxaana qorshahaasi hogaaminaya Bangiga dhexe ee Kenya waxaana jiri doona shuruuc si ku meel gaar ah loogu howlgalin doono.

"Malaayiin ayaa ku diirsan Xawaaladaha hadda waxaa jira dadaalo si ku meel gaar ah loogu furi doon Xawaaladaha.”

Shirkado badan oo Xawaaladley ah ayaa kalhore albaabada la isugu dhuftay dalka Mareykanka iyo qaar kale oo kamid ah dalalka reer galbeedka taas oo loogu gol lahaa in  looga hortago in alshabab lacago loo marsiiyo Xawaaladaha.

Sharmarke ayaa sheegay in uu qorsheynaayo in todobaadyada oo aadan uu booqasho ku tago Washington  si uu ugala hadlo dowladda Mareykanka arimaha ku saabsan Xawaaladaha, waxayna talaabadan imaanaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay wado hirgelinta shuruucda looga horgayo baaba’shillinka Soomaaliga.

Kenya waxaa ay sheegtay in mudoo sadex bilood ku siman lagu xiro xerada Dhadhaab halkaas oo ay hadda ku nool yihiin ku dhowaad 335,000 oo Soomaali ah.

Ra’iisul wasaare Sharmarke ayaa sheegay in talaabo kasta oo Qaxootiga dib loogu celinaayo waa in ay noqotaa mid mas’uuliyad ay ka muuqato waana in ay ahaataa mid nabadgeliyo leh,dib u celin guuldareysta waxaa ay maleeshiyaadka alshabaab u sahlaysaa in ay dadka dhibaato ku sameeyaa.

” Kuma ciyaari karno gacamaha  Alshabab iyo kooxaha kale ee argagaxisada ah,We cannot play into the hands of al Shabaab and other terrorists out there. mana abuureyno niyad jab siyaasadeed oo arinta dib celinta Qaxootiga,”  ayuu yiri Ra’iisul wasaare Sharmarke.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip