
Wasiirka Howlaha guud oo ka qeybgalay shir Caalami ah oo Istanbul lagu qabtay
wasiirka ayaa sheegey in baahi weyn loo qabo diiwaan gelinta arimaha dhulka Soomaaliya laga sameeyo, shirkan oo maanta lagu soo gebagebeeyey ayaa waxaa uu socdey 4 maalmood, waxaa ka soo qeybgeley in ka badan lixdan wadan.
Mudane Eng Saalax Wasiirka howlaha guud ayaa sheegey in wasaaradiisa ay u sameyneyso hey’ad u gaar ah sharciyeynta iyo sahaminta dhulka iyadoo la diiwangelindoono dhul kasta noocuu doono ha ahaadee, wasiirka ayaa sidoo kale sheegey in dhulka ay dowlada leedahay sharcigii lagu maamuli lahaana ay u sameyneyso.
Sidoo kale wasiirka ayaa shegey in ay wax badan faa’ideysteen shirkan ayaguna u faa ideeyey wafuudii kale ee ka soo qeyb gashey shirka,
Wasiirka ayaa ka hadley is haysadka dhuleed ee ka taagan wadanka Soomaaliya "waxaan ka horeynaa marka laga hadlayo arimaha dhulka wadamo badan kuwana wey naga horeeyaan” ayuu yiri wasiirka.
Soomaaliya ayaa markii ay bur burtey dowladii Militiriga waxaa dhacay in uu burbur xoogan uu ku yimaado hanaakii dhul bixinta Soomaaliya,taasii oo sabab u aheyd dowlad la’aanta dalka Soomaaliya lasoo daristey.
Wasiirka ayaa rajo weyn ka muujiyey in ay dib u soo labaan doonto howlihii dhul bixinta Soomaaliya,waxaan dhisi doonaa hay’ad u gaar ah arimaha dhul bixinta iyo diiwaan gelinta dhulka nooc kasta uu yahay,beer hadey tahay goob ganacsi,dhul deegaan ayuu hadaladiisa sii raaciyey wasiirka howlaha guud,dib udhiska dowladda federaalka Soomaaliya Eng Saalax Sheekh Cusmaan.
Wasiirka Howlaha guud oo ka qeybgalay shir Caalami ah oo Istanbul lagu qabtay
Wasiirka wasaarada howlaha guud iyo dib u dhiska mudane Eng Saalax Sheekh Cismaan ayaa ka qeybgaley shir caalami ah shirkan ayaa waxa aloo ga hadleyey diiwaan gelinta, cabirka iyo sahaminta dhulka,wuxuuna ka dhacay shirka magaalada Istanbul ee wada