Midowga Yurub oo isku raacay in la bur buriyo Doomaha ay adeegsadaan dadka wax Tahriibiya

0
Friday April 24, 2015 - 13:24:00 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1403
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midowga Yurub oo isku raacay in la bur buriyo Doomaha ay adeegsadaan dadka wax Tahriibiya

    Madaxda Midowga Yurub ayaa isku raacay in la bur buriyo doomaha ay adeegsadaaan dadka wax tahriibaha, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Brussels ee dalka Belgium, iyagoo ka hadlayay sidii wax looga qaban lahaa qul qulka dadka Tahriibayaasha ee Yur

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxda Midowga Yurub ayaa isku raacay in la bur buriyo doomaha ay adeegsadaaan dadka wax tahriibaha, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Brussels ee dalka Belgium, iyagoo ka hadlayay sidii wax looga qaban lahaa qul qulka dadka Tahriibayaasha ee Yurub u soo tallaabaya.

Dalal badan oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa maraakiib iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca ku deeqay, si ay uga qeyb qaataan howl galada ka dhanka ah doomaha ay adeegsadaan dadka wax tahriibiya.

Hogaamiyeyaasha Midowga Yurub ayaa ku heshiiyay in la-laba jibaaro dhaqaalaha lagu bixinayo howl galada bad baadinta ee Badda Mediterranean-ka, waxaana ay isla garteen in laga hortago dadka tahriibayaasha ee isku dayaya inay Yurub u soo tallaabaan, iyaga oo ka soo tagaya waqooyiga Afrika.

In ka badan 800 oo ruux ayaa todobaadkan ku dhintay Badda Mediterranean-ka, kadib markii doomo ay ka soo raaceen Xeebaha Libiya, waxaana tani ay sii murjisay walaaca Midowga Yurub ka qabo qul qulka dadka sida sharci darada uga soo gudbaya Badda.

Talyaaniga oo ah halka ugu badan ee ay soo maraan Tahriibayaasha ayaa ku baaqay in loo baahan yahay in arrintan iskaashi laga sameeyo, isla markaana wada jir looga hortago doomaha soo qaada tahriibayaasha.

Tallaabada ayaa qeyb ka ah in doomaha la bur buriyo, ka hor inta aanay ka soo shiraacan ama aysan soo qaadin Tahriibayaasha.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip