Banaanbax looga horjeeday Rabshadaha Ajaaniib Naceybka oo ka dhacay Johanesburg

0
Friday April 24, 2015 - 13:17:18 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1287
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Banaanbax looga horjeeday Rabshadaha Ajaaniib Naceybka oo ka dhacay Johanesburg

    Banaanbaxaan oo ahaa mid ay soo qaban qaabiyeen maamulka gobolka Gauteng ee dalka Koofur Afrika iyo ururada ka shaqeeya arimaha bulshada ayaa waxaa uu ka dhacay magaalada Johanesburg, waxaana kasoo qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada oo isugu ji

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Banaanbaxaan oo ahaa mid ay soo qaban qaabiyeen maamulka gobolka Gauteng ee dalka Koofur Afrika iyo ururada ka shaqeeya arimaha bulshada ayaa waxaa uu ka dhacay magaalada Johanesburg, waxaana kasoo qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada oo isugu jiray shacabka South Africa iyo guud ahaan dadka ajaanibta ah ee ku nool dalka Koonfur AfriKa. Banaan baxayaasha ayaa socod kusoo maray wadooyinka magaalada Xarunta ganacsiga Johanesburg iyo qaar ka mid ah xaafadaha ay ka dhaceen rabshadaha ajnabi naceybka ahaa ee todobaadkii lasoo dhaaftay ku dhuftay qeybo ka mid ah dalka koofur africa isla markaana ay ku dhinteen dad gaaraya ilaa todobo ruux kumanaan qoys na ay ku barakaceen.

Waxaa banaan baxayaasha hor kacayay gudoomiyaha gobolka Gauteng David Makhura iyo qaar ka mid ah madax diimeed yada ka jira dalka koofur africa waxaana dadka ay wateen boorar lagu soo qoray erayo lagu muujinayay in shacabka koofur africa aysan raali ka wada aheyn dhibaatada la gaarsiiyay dadka ajaanibta ah gaar ahaana kuwa kasoo jeeda qaarada africa.


Waxaa sido kale banaan baxayaasha ay ku heesayeen heeso guubaabo ah oo lagu cabirayay dareenka dadka ajaanibta ah midnimada iyo wadajir ka iyo sido kale in shacabka africa ay yihiin hal shacab oo kali ah oo wax u dhaxeeya aysan jirin.

wadooyinka waxaa aad usoo buux dhaafiyay kumanaan shacabka ah oo daawanayay socodka nabada oo ay sameynayeen shacabka south africa iyo dadka ajaanibta a waxaa wadooyinka taagnaa ciidamo police ah oo aad u ilaalinayay amaanka.

Ugu dambeyntii waxaaa ay banaan baxayaasha isugu soo aruureen barxada weyn ee xaafada Newtown ee gudaha magaalada Johanesburg waxaana halkaasi kula hadlay madaxdii kala duwana ee ka socday dowlada koofur africa iyo ururada xaquuqda aadanaha waxaana ay sheekeen in ay aad uga xun yihiin dhibaatadii ka dhacday deegaanka Darbun ee dalka koofur africa banaan baxyadana ay sii wadi doonaan isla markaana ay ka shaqeyn doonaan isdhaxgalka bulshooyinka ajaanibta ah iyo shacabka South africa.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip